Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay inaanay Mandaqadda Geeska ku oollin Deked dabooli karta Baahiya Dhoofka Xoolaha

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa maanta beeniyay Warar warbaahinta qaarkeed ku sheegtay in Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Berbera loo Wareejiyay Meelo Kale.

Wasiirka  xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-daahir  Cali oo maanta xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta, waxa uu Sheegay in Magaalada Berbera ay ku yaalaan laba Maxjar oo ah kuwa lagu baadho caafimaadka Xoolaha ka dhoofaya dekeda Berbera isla markaana ay kala leeyihiin Indha deero iyo Al Jaabiri, kuwaas oo uu sheegay inay iyagu ku dan-qabaan ka-ganacsiga Xoolaha Somaliland, haseyeeshee waxa uu sheegay inaanay Jirin Wararka ku tiri ku teenka ah ee Sheegaya in ganacade Al Jabiri uu uu Maxjarkiisa Berbera u rarayo Magaalada Muqdisho.

Cabdi-aw-Daahir7Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee  Somaliland waxa uu ku dooday in guud ahaan maxjarada Somaliland ku yaalaa aanay la mid ahayn kuwa kale ee Somalia isla markaana ay ka Tayo Wanaagsan Yihiin. Sidoo kale Wasiir Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay inaanay jirin Deked ku taala mandaqadda Geeska Afrika oo la tartami karta baaxadda Dhoofka Xoolaha ee Dekedda Berbera.

“Xooluhu waa laf-dhabarteena dhaqaalaha. Berbera waxa ku yaala laba maxjar oo ay kala leeyihiin  Indhadeero  iyo  Al-jaabiri, midna ka guurimayo meel ay u kacayaana majirto ee iyaga ayaa dan ganacsi ku qaba oo Xoolaha ayaa Xukuma. Xilligii Xajkana Xoolaha dhoofay laba Milyan iyo laba boqol oo kun (2,250,000) oo Neef ayay ahaayeen, Xoolahaas labada Maxjar may keenin ee waxa keenay Dekeda Magaaladda Berbera, iyagaana dan u arka. Waxbana kama jiraan wararka sheegaya inay u rarayaan Muqdisho. Ganacsatadu waxay xaq u leeyihiin in ay meelo kala duwan ka wataan ganacsigooda balse kan  Berbera in loo rarayo Muqdisho, waxba kama jiraan manaanaan maqal,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cali.

Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Dr, Cabdi Aw-Daahir, waxa sidoo kale shirkaasi jaraa’id ku sheegay in wasaaradiisu u qorshaysan tahay in hilibka xoolaha dhoofa dajinayso hab casriya lagaga dhoofiyo dalka, waxaana uu xusay in wadamada Asia ku yaala la bilaabi doonaan xiidh ganacsi.

SOMALILANDPOST.NET