Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay inaanay Ganacsatada waaweyn ee dalku cashuur bixin

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaadday in ganacsatada waaweyn ee dalku hormuud ka yihiin muwaadiniinta inta badan ka caga-jiida bixinta Cashuuraha ku waajibay.  Hasyeeshee, si si gaar ah uma carrabaabin kuwa ay yihiin ganacsatadaasi.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo warbixin ka dhagaystay, waxa uu sheegay inaanay ganacsatada waaweyn ee dalku si waafi ah u bixin cashuuraha ku waajibay, balse cidda cashuuraha sida hagar-la’aanta ah u bixisaa yihiin ganacsatada yar-yar.

 

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE