Xukuumadda Somaliland oo Shacabka u soo bandhigtay Maskaxda iyo Falsafada Hagaysa Duulaan ka dhan ah Qaranimada

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay inuu jiro duullaan ka shidaal-qaadanaya falsafad qoto-dheer oo lagu hayo Somaliland iyo Dhismaha Qaranimadeeda.

Wasiirka Warfaafinta oo hadal ka jeediyey kulan ku saabsan Wada-tashiga Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dawladda ee Wacyigelinta Heer Qaran, waxa uu ka warramay saameynta taban ee ay baraha bulshadu ku leeyihiin dalka, waxaanu tilmaamay in waxyaabaha lagu qoro baraha bulshadu aanay wada run ahayn isla markaana aanay lahayn meel loo raaciyo masuuliyada waxyaabaha lagu qorayo.

Wasiir Saleebaan Cali Koore wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay yihiin dad muslim ah oo loo baahan yahay in laga hortago wixii barobagaando ah ee ku wajahan qiyamka bulshada iyo waxbarashada.

Warkan oo faahaahsan iyo hadalka Wasiirka kaga bogo Muuqaalka Hoose