Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Xilliga la bilaabayo Dhismaha Jidka Mashruuca Berbera Corridor

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Eng Cabdilaahi Abokor, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan la bilaabayo dhismaha Mashruuca Berbera Corridor oo ah Jid laami ah oo isku xidhaya magaalada Berbera iyo magaalo-xuduudeedda Tog-Wajaale, jidkaas oo qayb laxaad leh ku yeelanaya isticmaalka dekedda Berbera ee dalka Itoobiya.

 

Md Cabdilaahi Abokor waxa uu sheegay in dhammaadka bishan la dhagax-dhigi doono bilowda Dhismaha Jidka isla markaana dhismihiisa si rasmi ah loo bilaabi doono badhtamaha bisha soo socota.

 

Cabdilaahi Abokor waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaal wefti uu qayb ka yahay oo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland dhowaan u hoggaamiyey dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay kulan kula soo qaateen Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.