Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Qorshe lagaga Hortagayo Kalluumaysiga Sharci-darrada ah ee Xeebaha Dalka (DHEGAYSO)

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hawlan qorshe lagu diiwaangelinayo Kalluumaysata dalka, si looga hor-tago kalluumaysiga sharci-darrada ah ee dalalka shisheeye ku hayaan kheyraadka badda.

Cali Jaamac Buureed

GUJI SAWIRKA SARE OO DHEGAYSO

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay inay diiwaan-gelinayaan dhammaan kalluumaysatada waddaniga ah si ay ugu fududaato wasaarad ahaan inay la socon karaan tirada shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku shaqaysta xirfadda Kalluumaysiga.

Sidoo kale, waxa uu wasiirka sheegay in nidaamka u sahlayo kalluumaysatada dalka sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen mashruuca kobcinta ganacsatada ee Bangiga Adduunku ku taageero Somaliland, kaas oo uu sheegay inay ka qatan yihiin inta badan kalluumaysatada dalka ee ku sugan magaalooyinka Xeebaha.