Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In La Furan Karo Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in la furay Ururrada Siyaasadda isla-markaana Siyaasiyiinta dalku wixii imika ka dambeeya u Madax-banaan yihiin inay furtaan Ururrada Siyaasadda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo Gelinkii dambe ee Maanta, ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu fasaxay furashada Ururrada Siyaasadda dalka.

Wasiir Koore oo arrintaa ku dhawaaqayaana wuxuu yidhi “Haddaynaan noqon dad ku dhaqma oo isku dhaqa sharciga dalka, waxaynu noqonaynaa Dal fawdo ah oo aan nidaam iyo kala dambayn ka jirin”

“Madaxweynuhu isagoo ixtiraamaya sharciga dalka, isagoo ixtiraamaya doonista dadka, isagoo fulinaya sharciga iyo dastuurka dalka waxa uu aqoonsan yahay inay furan yihiin ururada Siyaasaddu,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Somaliland waxa xilligan ka jira Saddex Xisbi oo kale ah KULMIYE oo talada dalka haya iyo labada xisbi mucaarad WADDANI iyo UCID.

Ku-dhawaaqista furashada Ururrada Siyaasadda Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli muddo-xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ka hadhsan tahay muddo 11 bilood ah isla-markaana Xisbiyada Mucaaradku isku diyaarinayeen doorashada Madaxtooyada oo qorshuhu yahay In la qabto bisha 11-aad ee sannadka 2022-ka, haddii Alle yidhaahdo.