Xukuumadda Somaliland oo Saxaafadda uga digtay Ka-hadalka Arrimaha Ciidanka Qaranka

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka uga digtay ka-hadalka iyo buun-buuninta wararka la xidhiidha Ciidamada Qaranka oo maalmihii u dambeeyey saxaafadda qaarkood ka baahiyeen warar aanay bulshadu ku diirsan.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa maanta soo saartay war-qoraal ah oo ay digniin ugu jeedisay warbaahinta madaxa-bannaan qaarkood oo la magac-dhabay, kuwaas oo loogu baaqay inay ka feejignaadaan ka hadalka arrimaha Ciidamada .

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) oo soo gaadhay war-qabadka Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxa ka dhaxeeya heshiis wada shaqeyneed oo ku dhisan ku dhaqanka xeyndaabka Dastuurka iyo Ilaalinta Xeerka Saxaafadda ee Lambar 27/2004 ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana reebban faafinta wixii ka baxsan xuduudaha sharci ee u yaal dalka.

Waxaa Jira hay’ado Warbaahineed oo caadeystay qodqodista arrimaha Ciidammada Qaranka oo ay ka mid yihiin HCTV iyo BULSHO TV, kuwaas oo ku gefay una badheedhay Jebinta Xeerka Saxaafadda ee Lam/27/2004 qodobka 10aad ee qeexaya,MAS’UULIYADDA SAXAAFADDA, faqraddiisa 2aad iyo sidoo kale Qodobka 13aad ee tilmaamaya, RAADINTA XAQIIQADA,Faqraddiisa (a), oo ay ku cad yihiin gefafka ay ku kaceen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv.

Haseyeeshee waxa u bannaan oo uu isla Qodobka 13aad, faqraddiisa (b) ku waajibinayaa sida ay u saxayaan marka ay Warbaahini faafiso maclluumaad khaldan amase aan sugneyn sida kuwa aan kor kusoo xusnay oo kale.

Xogaha marin-habaabinta ee aan soo xusnay ee ay faafiyeen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, waxa ay sidoo kale ku gefeen oo ayjebiyeen Qodobka 34aad, Faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya, WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA.

Sidaa awgeed, annagoo tixgelinayna Xeerka Saxaafadda ee Lam 27/2004, qodobka 13aad, faqraddiisa (b) waxan fursad u siinaynaa Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, in sida uu qodobkaasi dhigayo laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27 Feb 2021, ay muddo laba maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa taariikhda aan soo xusnay ay ku fuliyaan sida uu farayo qodobka 13aad, faqraddiisa (b) hadday dhegaha ka furaystaan sida uu farayo Xeerka Saxaafaddu waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

Ugu dambayn wasaaradda Warfaafintu waxay uga digaysaa dhammaan Warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid tahay Mareegaha iyo baraha bulshadu, inay faraha kala baxaan arrimaha Ciidammada ee uu ka reebay Xeerka Saxaafaddu oo ujeeddada laga lahaa tahay, si aanu cadowgu wax uga ogaan sirta iyo xaaladaha gudaha ee Ciidammada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ciddii Ilaalin weyda ku dhaqanka Dastuurka dalka iyo Xeerka Saxaafadda, kana waantoobi weyda faragelinta arrimaha Ciidammada, waxa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharci oo aan ka noqosho lahayn.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net