Xukuumadda Somaliland oo Sababaysay Bixitaanka Shirkadda GENEL ENERGY: “Mashaariic shisheeye oo aad u waawayn ayaa jirta oo ka soo horjeeda in dalkani uu u dhaqaaqo in horumar ku saabsan shidaal baadhista.”

Somaliland Water and Energy Minister

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaadday in Shirkadda Genel Energy ee baadhista Shidaal ka wadday gobolka Togdheer ay ku wargelisay inay joojinayso hawlihii ay ka wadday dalka isla markaana ay shaqaalaheeda uga daad-guraynayso dalka sababo la xidhiidha Xaalado ammaan-darro.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sidoo kale daboolka ka qaadday sababo ay u aragto inay ku lug leeyihiin hakadka ku yimi hawlaha shidaal baadhista ee shirkadda Genel Energy, kuwaas oo ay tilmaantay inay salka ku hayaan farogelin siyaasadeed oo awoodo shisheeye ku lug leeyihiin.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay in shirkadda Genel Energy horraantii bishan ay iaga ku wargelisay go’aanka ay kaga baxday dalka, taas oo ay ku sababeeyeen xaalad ammaan-darro oo dalka ka jirta, isaga oo sheegay in arrintani oo kediso ku noqotay ay sababtay inay ku dhaliso sidii ay firfircooni u galin lahaayeen, shirarna ula geli lahaayeen shirkado kale oo ay xukuumad ahaan hore heshiisyo ugula galeen baadhista shidaalka, si ay uga hortagaan in go’aanka Genel Energy uu saamayn ku yeesho Shirkadaha kale.

wasiirka-macdanta-iyo-biyahaWasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ka dib socdaal muddo dhowr todobaad ah qaatay oo uu dalka debeddiisa ugu maqnaa, ayaa ugu horreyn hadlay ujeeddada socdaal uu ku tagay dalka Australiya iyo natiijada kulamo uu la qaatay Shirkado Shidaal-baadhiseed oo Xukuumaddu sannadkan horaantiisii heshiisyo la gashay.

Wasiirka oo ugu horreyn ka hadlayey socdaalkiisa, waxa uu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan war-bixin ka siiyo,shacabka muddadii dheereyd ee aan ku maqnaa hawlo baddan,waxaan maqnaa muddo ilaa 20-cisho ah. Markii hore waxa uu socdaalkaygu ahaa dalka Australia oo aan shir caalami ah oo ku saabsan macdanta kaga qeybgalay, shirkaasina waxa uu noogu dhamaaday si guul ah, waxaana ka soo qeybgalay oo joogay Wasiirka arrimaha dibada Dawlada Australia.

Waxa iigu xigay inaan socdaalkayga ku soo noqday dalka isku taga Imaaraadka Carabta, khaasatan magaalada Dubia, oo aan shirar shaqo u imid, kuwaas oo ku saabsana shirkadda la yidhaahdo DNO oo aan heshiis la saxeexanay Beri dhaweyd, iyo shirkad la yidhaahdo Drag Gas oo aanu heshiis wada leenahay oo aanu kala kulmay sidii ay shaqada u bilaabi lahaayeen sanadka soo socda.”

Eng Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in Shirkadda Genel Energy ku wargelisay go’aankeeda ka bixitaanka Dalka, waxaanu yidhi, “Qaddiyadan ayaa timid aniga oo halkaasi jooga, waxaanay kaliftay aniga iyo Wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo Dubia joogay inaan ku kulano halkaasi oo uu madaxweynuhu na amro inaan qaddiyadaasi si degdega wax uga qabano, markaa hawshii uu Wasiirku u socday iyo socdaalkaygii aan doonayey inaan dalka ku soo noqdo labadiina waanu baajinay. Shirkaddu (General Energy) way I soo war-gelisay horaantii bishan, ninka u qaabilsan Bariga Afrika Shirkadda General Energy ayaa igala soo hadlay Dubia, waxa uu igu yidhi shaqadii waanu joojinay, shaqaalihiina waanu ka daad-gureynaynaa oo waanu ka baxayna sababtana waxa uu iigu sheegay arrimo ku saabsan amaanka. Waanan soo duulaya oo Dubia ayaan kugu imanayaa markaa ayaan si faah-faahin ah kugu sheegayaa. Markaa arrintaasi arrin aanu filaynay may ahay, waxay ahayd arrin si cajiib ah oo degdega u dhacday.”

Wasiirku waxa uu sheegay in Shirkadda Genel Energy ay joojisay Heshiis hoosaadyadii ay kula jirtay shirkado ka hawl-gala gudaha Somaliland, waxaanu yidhi,  “Shirkaddu wixii shaqaale ahaa ee ay shirkadu heshiis kale la sii gashay (Sub Contract) wey joojisay, sababta ay u joojisayna waxa weeyaan, maadama ay shirkaddii tidhi wakhti ayey nagu qaadanaysa inaan dib isku habeyno oo hawsha sidaan uga shaqeynayno wax uga bedelno oo aan dalka dib ugu soo noqono, waxaas oo heshiis yara (Sub Contract) dalka kuma hayn karto, waayo waxa ku soconaya lacag aad iyo aad u fara baddan, oo maalintii gaadhaysa boqolaal kun oo Dollar. Markii ay arrintani dhacday, ka Wasiir ahaan anigu waxaan ka hawlgalay shirkadaha kale ee heshiiska shidaal-baadhista inagula jira inaan iyagana la shiro, haday Dubay noqoto iyo haday London noqoto-ba oo aan markaa ka hortago inay saameyn ku yeelan karto qaddiyadan General Energy shaqada hakadka ku gelisay oo iyagana baqasho gelin karta oo ay yidhaahdaan waddankii waanu ka baqanay inaan ka shaqeyno.Markaa Shirkadaha kale waanu is-fahamnay inaanay wax saameyn ah ku yeelanayn qaddiyadan General Energy iyaga oo ay shaqadoodii sidii qorshuhu ahaa ay u wadayaan, qiimo weyn ugu fadhida dalka oo ay hawshana hormood ka ahayd aad iyo aadna waanu ugu mahad-celinaynaa waanan soo dhaweynaynaa marka ay dalka dib ugu soo noqoto ee ay shaqada bilowdo,laakin waxa jira shirkado kale oo shidaal qodisa oo ay dawladu heshiisyo la gashay sidii ay shidaal-baadhis u sameyn lahaayeen.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxyaabaha aynu is waydiinaynaa waxa weeye maxaa sababay in shirkada Genel Energy ay shaqadeeda hakiso? Runtii kuma qanacsani waxay iyagu sheegteen, waxaanan u aragnaa in sababo kuwaas ka geddisan ay yihiin. Mashaariic shisheeye oo aad u waawayn ayaa jirta oo ka soo horjeeda in dalkani uu u dhaqaaqo in horumar ku saabsan shidaal baadhista iyo shidaal soo saaris markaynu runta kuwada hadalno. Arrimahaas anagu waxaanu u argnaa inay yihiin caqabadaha ka soo horjeeda hawlahan immika inoo bilaamay oo mashariicda shisheeya qaarkoodba way cadaysteen oo sharaa,idkan inoo shaqaynaaya waraaq ayay u soo qoreen oo ay yidhaahdeen raali kama nihin ee waa inaad joojisaan, taasi waxay muujinaysaa inay arrintani ahayn oo kaliya arrin ay sababtay xasilooni-daro oo kaliya ahayn. Runtii waxa kale oo jiray shirkadu markay shaqaynaysay caqabado kaga yimi Deegaanka laftigiisa oo maaha in la iska Indhotiro . Markaynu eegno hakinta shaqada waa inaynu daruus ka qaadanaa oo wax yabahaas keenay ama yimi sidii loo wajihilaa fallow geed la qabto. Waynu wadaynaa hawshan shidaalka oo maaha hawl istagaysa ee waynu wadaynaa, lakiin haddii la doonaayo in hawshu ay sifiican ay u socoto waa in talaabooyin cad-cad la qadaa lagu hagaajinaayo wixii khaladaadkaa  jira. Dawladuna waxay immika go’aan satay inay talaabooyin cad-cad ay qaado sidii ay uga hortagi lahayd wixii sharaa,idka marka la bilaabo uga hor iman.”

Wasiirku waxa uu baaq u jeediyey Shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Haddaynu nahay shacab  iyo Dawlad shaqadan istaagtay fursad ayay inasiinaysaa in mid walba ay dib u eegto wixii dhibaatooyin ku keenikara wixii shaqadan dhibaatooyin ku keeni kara sidii looga hortagi lahaa. Runtii aad iyo aad ayay immika dawladii u eegaysaa arrintaas iyo sidii ay talaabo wayn uga qaadi lahayd in shaqadaasi markay bilaabanto is bar-bartaagto oo wax caqabado ah ka iman. Shidaal baadhistu waa masuuliyad Dawlada saran, waxayna ku qayaxan tahay Distuurka Dalka inay masuul uga tahay Ummadda oo ay gacanta ku dhigto wixii khayraada baadhisteeda iyo soo saaristeedaba.

Waxa loo baahan yahay marka shirkadu ay timaado Deegaanaddan ay ka shaqaynayso in dadku caleemo qoyan lagu soo dhaweeyo oo ay kala horyimadaan oo meel walba loo xaadho oo layidhaahdo soo dhawaada. Waayo waxbay inoo faa’iidaynaysaa, haddaynu shirkada waxaas oo lacaga galinaysa dalkeena ee ku khamaaraysa, dalkeena umay iman inay lacag inoo qaybiyaan ee wax ayay dalka ka soo sarayaan. halkii aynu ka soo dhawayn lahayn aynu caqabado kala hornimaadno oo baad ayaynu ka doonaynaa mararka qaarkood oo idinka oo waxaas nasiiya waxba maqabanaysaan. “

SOMALILANDPOST.NET