Xukuumadda Somaliland oo Saadaalisay in Tirada Kiisaska Covid-19 ka badnaan Karaan lixda Qof ee la shaaciyey

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga caabuqa Coronavirus, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay In laga yaabo in Dadka Somaliland ku sugan ee qaba ama uu hayo Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid-19 ay tiradoodu ka badan tahay lixda Qof ee illaa hadda la shaaciyay.

Mudane Saylici oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidha in Dadka qaba xanuunka Covid-19 ee Somaliland joogaa ka badnaan karaan inta la shaaciyey oo uu waydiiyey Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka tirsan Telefiishanka Universal, ayaa yidhi, “Waa Suurto-gal (In Dadka Xanuunka Covid_19 hayaa ka badan yihiin Lixda la shaaciyey), Maaddaama oo aynaan samaynayn baadhitaan joogto ah.”

Dawladda Somaliland ayaa hore u shaacisay in Xanuunka laga helay oo la xaqiijiyey Dad tiradoodu dhan tahay 6 Qof, kuwaasi oo shalay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in saddex ka mid ahi ka bogsadeen.

Somaliland ayaan illaa hadda hawl-gelin Mishiin Hay’adda WHO ugu deeqday oo loogu talo-galay in lagu baadho xanuunka Covid_19, kaasi oo haddii la hawl-gelin lahaa si joogto ah loogu samayn lahaa baadhitaano Caafimaad, halka imika qofka laga shakiyo dheecaankiisa loo diro Dalka Kenya.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net