Xukuumadda Somaliland oo Muddo Sannad ah Qiimo-dhimis u Samaysay Cashuurta Raashinka La Soo Dejiyo

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muddo lix bilood ah ku kordhisay qiimo-dhimis ay bilowgii sannadkan u samaysay cashuurta Raashinka Daruuriga ah ee dalka dibaddiisa laga keeno.

Cashuur-dhimista wasaaraddu samaysay oo dhan Boqolkiiba 10 oo ka bilaabmayay bishii January ee sannadkan ilaa bishii June, ayaa muddo lix bilood oo kale ah lagu daray kaddib markii wax isbeddel ahi ka iman waayey xaaladda siyaasadeed ee dunida iyo dagaalka ka socda dalka Ukraine oo sababay sicir-barar saamayn ku yeeshay caalamka.

Wareegto 2-dii bishan ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa loogu baaqaya Ganacsatada soo dejiye raashinka Bariiska, Daqiiqda, Sonkorta iyo Saliidda inay xisaabta ku darsadaan qiimo-dhimista cashuurta loo sameeyey oo ay ku jaan-gooyaan qiimaha ay Shacabka wax kaga iibinayaan.

Wareegtada oo lagu socodsiiyey dhammaan hay’adaha dowladda oo ku-shaqada leh, ayaa u qornayd sidan:- “Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa culaysyada dhaqaale ee ay uugu weyn yihiin sicir-bararka iyo cunto-yaridu, kuwaas oo ay keeneen duruufaha siyaasaddeed iyo nabadgalyo ee dunida iyo gobolkaba ka jira.

Waxa ay lix bilood oo kale ku dartay cashuur-dhimis dhan 10% (boqolkiiba toban) oo ay u samaysay cuntooyinka daruuriga ah sida:

  1. Bariiska
  2. Daqiiqda
  3. Sonkorta
  4. Iyo Saliida.

Sanadkan bilawgiisii ayey Wasaaraddu cashuur-dhimis u samaysay Cuntooyinka daruuriga ah, taas oo ku ekayd January-June/2022. Balse mar hadii xaaladu ka soo rayn weyday Wasaaraddu waxa ay garatay in ay lagama-maarmaan tahay in la sii wado cashuur-dhimista sanadka in ta hadhay, taas oo macnaheedu yahay in Cuntooyinka aasaasiga ah loo sameeyey cashuur-dhimis sanadka oo dhan. Waxase xusid mudan in ay doorkan ku jirto saliiddu, taas oo aan markii hore la socon waxyaabihii loo sameeyey cashuur-dhimista.

Ugu danbayn, waxa aanu u sheegaynayaa ganacsatada soo dejiya Cuntooyinka aasaasiga ah ee ku xusan wareegtada Wasiirka Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda, in ay dhinacooda xisaabta ku darsadaan marka ay jarayaan qiimaha ay ku wax kaga iibinayaan bulshada, iyadoo Hay’addaha Dawladda ee ay arintani khusaysaana qiimayn joogta ah ku samayn doonaan.” Sidaas ayay u qornayd Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net