Xukuumadda Somaliland oo Mowqifkeeda U caddeysay Beesha Caalamka iyo Axsaabta Mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa farriin ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka u dirtay beesha Caalamka, axsaabta mucaaradka ah iyo Shacabka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay beesha caalamka u xaqiijisay in nabadgelyada iyo xasiloonideedu yihiin mid ay shacabku samaysteen oo lama taabtaan ah, isla makaana uu dastuurka dalku ilaaliyey xuquuqaha ay muwaadiniinteeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland maanta, ayaa lagu sheegay in xukuumadda talada haysa lagu soo doortay nidaam dimuqraaddi ah oo ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in xukuumaddu mowqifkeeda doorashooyinka ku caddeysay, kuna muddeysay shirkii u dambeeyey ee Golaha Wasiirrada oo lagu bayaamiyey in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ilaalinayso dhammaan wakhtiyada doorashada ee ay u asteeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa baaq loogu diray axsaabta mucaaradka ee Somaliland, waxaana lagu yidhi, “Xukuumadu waxay u soo jeedinaysaa xisbiyada mucaaridka ah inay raacaan sharciga, dastuurka iyo nidaamka doorashada oo ay ka waantoobaan wax kasta oo keeni kara qalalaase siyaasadeed ama rabshado. Tani waxay khatar gelinaysaa dadaalka dheer ee Somaliland ugu jirto hirgelinta nidaam dimuqraadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu dambayn baaq u dirtay shacabka Somaliland; “Ugu dambayntii, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u soo jeedinaysaa dhammaan muwaadiniinteeda sharciga u hoggaansan in ay la shaqeeyaan hay’adaha sharciga si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo ammaanka aan bilaashka ku iman ee qarankani leeyahay,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net