Xukuumadda Somaliland oo Masuuliyadda Dib-u-dhaca Doorashooyinka dusha ka saartay Xisbiga Waddani

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku doodday in Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani caqabad ku noqday qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada muddadii labada sanno ahayd ee ay talada dalka haysay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in xisbiga Waddani hortaagan yahay doorashooyinka dadka, isagoo taas ku micneeyey in go’aankii xisbigu ka qaatay guddiga doorashooyinku ahayd sababihii keenay dib u dhicii ku yimi doorashooyinka.

Wasiir Cabdilaahi Abokor waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu kursiga ugu sarreeya dalka uga faa’idaysanayo aar-goosi siyaasadeed oo aanu Mr Xirsi sharraxaad dheeraad ah ka bixin waxa uu yahay.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose