Xukuumadda Somaliland oo Mashruuc Dhaqaale lagu Raadinayo ku sheegtay Jabhad lagaga Dhawaaqay Buuhoodle

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa mashruuc dhaqaale lagu raadinayo ku tilmaantay jabhad la sheegay in dhawaan lagaga dhawaaqay deegaamo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dhulka iyo Guriyeynta Md Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo saaka saxaafadda qaarkeed kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu xaqiijiyey jiritaaanka Jabhadda laga aasaasay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas oo marka horeba aanay ku sugnayd Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in sababta kooxdaas loo aasaasay tahay mid lagu raadinayo dhaqaale iyo lacag isla markaana ay cid gaar ahi dabada ka riixayso.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadalka wasiirka kaga bogo muuqaalka Hoose