Xukuumadda Somaliland Oo Madax dhaqameed U Diyaarisay Xalka Xiisadda Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Xukuumaadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay sheegtay inay Madax-dhaqameed u dirayso Gobolka Sool si ay isimadda dhaqanka ee Gobolkaasi ugala hadlaan xaaladda taagan.

Xukuumaddu waxa ay intaas ku dartay inay madax-dhaqameedka oo ka kooban gobollada kale ee Somaliland ay kalsooni buuxda siinayso si ay xalka xiisadda ka taagan gobolka Sool ugala Hadlaan Garaaddada Gobollada Buuhoodle iyo Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Soomaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo maanta ka hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay, “Xukuumad ahaan Waxaanu diyaarinay Madaxdhaqameed aanu u dirayno Laascaanood, Garaadada waxaanu leenahay waxaanu idiin soo diray dhaqankii dhigiina ahaa,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenka Somaliland.

Advertisement

https://youtu.be/u1cx4vOqqY4

Follow us On