Xukuumadda Somaliland oo ka warbixisay Nuxurka Heshiisyo wada-shaqayneed oo ay Isku Af-garteen dalka Holland

Rotterdam (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, ayaa sheegay in  markii  u horaysay taariikhda wadashaqayn cusub iyo iskaashi  dhinacyo kala duwan leh  ay wada yeelanayaan Somaliland iyo dawlada Holland.

Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka Holland,  waxa uu sidaasi ka sheegay  hadal uu ka jeediyay kulan balaadhan oo uu habeen hore magaalada Rotterdam ee dalka Holland  uu kula yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.

Dr Omer_HollandWasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku marayay wadamo ka tirsan qaarada Yurub, ayaa ka qayb galay Kulan   ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Somaliland ee ku nool wadanka Holland,  waxaana kulankaasi ka  soo qayb galay dadwayne tiro badan oo isugu jiray haween, rag  iyo dhalinyaro kuwaasi oo wasiirka si wayn ugu soo dhaweeyay markii uu gaadhay magaalada  Rotterdam ee wadanka Holland.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hadal u jeediyay jaaliyadii kulankaasi ka soo qayb galay uga waramay u jeedada safarka shaqo ee uu ku joogo dalka Holland iyo masuuliyiintii  uu la kulmay intii uu joogay wadankaasi, waxaanu sheegay  in uu wada hadal dheer la yeeshay wasiirka amniga qaranka Holland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada Holland isla markaana ay masuuliyiintaasi ka wada hadleen sidii loo furi lahaa  wadashaqayn cusub iyo is-kaashi balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo Holland  markii u horaysay.

Waxaanu wasiirka arrimaha dibada Somaliland intaasi raaciyay in ay isku raaceen labada  dawladood ee  Somaliland iyo Hollnad in ay wada shaqayn dhinacyo kala duwan leh yeeshaan, isaga oo arrinatasina ku tilmaamay guul hor leh oo ay Somaliland gaadhay.

Waxa kale oo uu wasiirku  si balaadhan uga waramay guulaha kala duwan ee ay ku talaabsatay  muddadii ay talada dalka haysay xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ee dhinacyada nabadgeliyada, waxbarashada iyo siyaasada  arrimaha dibada.

Waxa kale oo uu Dr. Maxamed Cabdlaahi Cumar, faah-faahin ka bixiyay horumarka ay ku  talaabsatay  xukuumadu ee ay  ka gaadhay xagga siyaasada arrimaha dibada oo uu ku tilmaamay   mid dariiq cusub u furtay  ka midhodhalinta himilada shacabka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland  Dr. Maxamed C/laahi Cumar,  waxa uu si qoto dheer uga hadlay wadahadalada u furmay Somaliland iyo Soomaaliya oo ah albaab cusub oo u furmay siyaasada dibada Somaliland  iyo sida ay beesha caalamku u rejaynayaan  qadiyada iyo horumarka Somaliland.

Waxa kale oo uu wasiirku  dadwaynihii uu  halkaasi  kula hadlayay uga war-bixiyay  socdaalkii uu dalka Jarmalka ku soo maray iyo  shirkii lagaga hadlayay qaranimada iyo dimuqraadiyada Somaliland ee  ka dhacay dalka Jarmalka todobaadkii hore iyo sidoo kale  masuuliyiintii kala duwanaa ee uu  dalka Jarmalka kula kulmay iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Waxa kale oo kulanakasi hadal ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID iyo xubno ka mid ahaa jaaliyadii kulanka goob jooga ka ahaa,  madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba ku amaaneen sida ay heeganka ugu yihiin, waxaanay sidoo kale balan qaadeen in ay diyaar u yihiin ka qaadashada horumarka dalkooda hooyo. Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay beri yimaadaan wadanka Itoobiya, halkaasina ay kulamo kula yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dawlada Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET