Xukuumadda Somaliland Oo Ka Shirtay Maalgeshi Muhiim u ah Koboca Dhaqaalaha Dalka

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, ayaa maanta furay shir lagaga arrinsanayo maalgelin loo samaynayo ganacsatada yar-yar ee la yimaadda hal-abuurka Ganacsi.

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Ganacsiga waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Maaliyadda, Maalgeshiga, qorsheynta Qaranka, Rugta Ganacsiga, Micro-dahab oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil.

Mashruucan Maalgelinta ah waxa qayb ka ah Midowga Yurub iyo hay’adda AECF, waxaanu qayb laxaad leh ka qaadanayaa koboca dhaqaalaha dalka, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa xarunta wasaaraddaasi ku qabatay shir lagaga hadlaayo sidii loo maalgelin lahaa ganacsatada yar yar ee dalka.

Ugu horeyn, waxa shirka hadal ka jeedisay Hodan Cali Xasan oo kamid ah mas’uuliyiinta Micro Edahab, waxaanay tilmaantay in mashruucani bilaabmay sannadkii 2021-kii isla markaana uu yahay mid Dumarka, Dhalinyaradda iyo dadka wax soo saara lagu gacan qabanayo.

Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Qorshaynta Axmed-yaasiin iyo ganacsiga Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka ka hadlay, ayaa tilmaamay mashruucani yahay mid ku aadsan kobcinta dhaqaalaha gudaha ee dalka, iyada oo diirada la saaraayo in wax la taro, isla markaana la maalgeliyo haweenka, dhalinyarta hal abuurka ganacsi la yimaadda.

Warkan oo Faahfaahsan Ka Daawo Muuqaalka Hoose