Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay inaanay waxba iska beddelin rejadii ay ka qabeen isbeddelka maamul ee ka hirgalay maamul goboleedka Puntland.

Wasiir Saleeebaan waxa uu sheegay inay dowlad ahaan rejo ka qabeen isla markaana si dhow ula socdeen isbeddelka maamul ee Puntland isla markaana ay rejaynayeen inay wax ka iska beddelaan Afkaarta iyo Sheegashada maamulkaasi ku sheegtay deegaamo ka tirsan Somaliland.

Hadalka Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa jawaab u ah Hadal Madaxweynaha cusub ee Maamulgoboleedka Puntland oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga uu ku sheegay in gobollo ka tirsan Somaliland yihiin qaybo ka mid ah deegaannada hoos-yimaadda Maamul-goboleedka uu madaxwynaha ka yahay, sidaas awgeedna ay muqaddas tahay ilaalinta midnimada maamulkaas oo uu ku darsaday gobollo ka tirsan Somaliland.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE