Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Wakhtiga Ay Bilaamayaan Wada-hadalada Dhex-maraya Khaatumo

Hargeysa  (SL.Post) Wasiir ku xigeeka amniga, ayaa ka hadlay hanaanka ay u socdaan wadahadalo u bilaabmaya Xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta Khaatumo, waxaanau sheegay in wadahadaladaasi ay si dhakhso ah u bilaabmayaan.

 

 

 

 

Wasiir ku xigeenka amniga oo  maanta warbaahinta la hadlay, ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi   “Caynaba ayaa la iskugu tagay oo halkaasaa lagu wadahadalayaa, Odayaal baa halkan (Hargeysa) ka tagay  oo Dawladda iyo xisbiga KULMIYE-ba ka mid ah. Wey dhaw-dhawadahay arrintaasi oo xagaana (Khaatumo) dad baa ka yimi.” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland

 

 

 

 

Wasiir ku xigeenka oo warbaahintu weydiisay qodobada la isla qaatay in laga wada-hadlo, ayaa si kooban uga jawaabay  “Waxa la isla qaatay dee, dadku soo dad reer Somaliland ah maaha, wey yara maqanaayeen uune wey imanayaan.” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaarada arrimaha guddaha Somaliland.

 

 

 

Halkana ka daawo.

 

Somalilandpost. Hargeysa