Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Saamaynta Dagaalka Ethiopia ka socda iyo Mowqifka ay ka taagan yihiin

 

Johannesburg (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Saamaynta uu waddan ahaan ku yeeshay dagaalka u dhexeeya jabhadda TPLF iyo Dowladda Federaalka ah ee ka socda gudaha dalka Ethiopia.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Waraysi lala yeeshay isagoo ku sugan dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qayb-galay shir caalami ah, waxa uu sheegay inaanay jirin saamayn si weyn loo dareemi karo oo dagaalkaasi ku keenay Somaliland, haseyeeshee waxa uu xusay inaanay saamaynta dagaalkaasi ku koobnaan doonin Somaliland ee uu gobolka oo dhan saamayn ku yeelan doono haddii dagaalku sii socdo.

Dr Sacad Cali Shire oo wax laga weydiiyey noocyada baasaaboorrada ay masuuliyiinta Somaliland ugu safraan dalka dibaddiisa maadaama aanay Somaliland aqoonsi caalami ah haysan, waxa uu xusay in masuuliyiinta Dalku ku safraa baasaaboorka dibloomaasiga ee Somaliland iyo kuwo Ajanabi ah.

Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan rejaynayaan in sida ugu dhakhsaha badan Xal looga gaadho dagaalka ka socda gudaha dalka Ethiopia oo xidhiidh ganacsi iyo mid dibloomaasiyadeed oo qoto-dheer u dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinayaa Muuqaalka Waraysiga lala yeeshay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo sidoo kale uu kaga hadlay siyaasadda Cashuur ururinta ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Arrimo kale.

https://youtu.be/XlN36ssrHj0

 

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net