Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Damaca Ethiopia ee Dekedda Saylac iyo Wada-hadallada Soomaaliya

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay wararka sheegaya in dowladda Ethiopia damac kaga jiro Dekedda magaalada Saylac xilli uu madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd waxa uu gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladda Ethiopia ay madaxweynaha Somaliland kala hadashay arrinta ku saabsan dekedda Saylac isla markaana aanu jirin tuhun ay u muujisay oo ku saabsan damac kaga jira dekeddaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadd oo madaxweynaha ku wehelinayay safarka dalka Ethiopia, waxa uu sheegay inay dowladda Ethiopia ka wada-hadleen sii xoojinta xidhiidhada labada waddan ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, Ganacsiga iyo qodobbo kale.

Advertisement

“Waxaanu ka wada-hadalnay danaha labada waddan sida siyaasadda, ammanka, isticmaalka dekedda Berbera, isu-dheelli-tirka Ganacsiga labada dal waayo Ethiopia iyada uunbaa wax innaga iibisa, waxaanu ka wada-hadalnay sidii aynu innaguna Ethiopia wax uga iibin lahayn sida kheyraadka Badda iyo Milixda,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay inaanu joogtayno kulamada labada dhinac iyo samaynta guddi Heer Wasiirro ah, Itoobiya-na waxay doonaysaa inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.”

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ka jira damaca dowladda Ethiopia ee Dekedda Saylac iyo haddii ay ka wada-hadleen, waxa uu ku jawaabay, “Taasi waa arrin aan sal iyo raad-toona lahayn, waa propagando ay dadka Somaliland neceb meel walba galiyeen, arrintaas wax aanu kala hadalnay ama Ethiopia nagala hadashay ma jirto,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxa uu sheegay inay xukuum ahaan joojinayaan wada-hadallada kala dhexeeya Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inaanay masuuliyiinta dalkaasi madaxda ka ahi diyaar u ahayn midho-dhalka wada-hadallada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement