Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Kulan-Diimeed Sheekh Caan ahi ku qaban lahaa Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed, faahfaahiyey hawl-gal ciidamada ammaanku ku joojiyeen wax uu ku tilmaamay Tababbar ku saabsan Xidhiidhka Lamaanaha is-qaba, kaasi oo Sheekh Maxamed Idiris doonayey inuu ku qabto Magaalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada ugu magaca-dheer Soomaalida, ayaa la sheegay in xukuumadda Somaliland ka joojisay muxaadaro uu doonayey inuu ku qabto magaalada Hargeysa, balse guddoomiyaha gobolka Maroodijeex waxa uu sheegay inaanay jirin wax muxaarado ah oo xukuumad ahaan ay joojiyeen balse uu ahaa tabobar la xidhiidha dhinaca xidhiidhka lammaanaha oo ay joojiyeen.

Kulanka uu Sheekhu doonayey inuu Hargeysa ku qabto ayaa lagu geli lahaa lacag dhan 10 dollar, taas oo noqonaysa markii ugu horeysay Somaliland in lagu qabto kulan la xidhiidha arrimaha Diinta Islaamka oo dadka ka qayb-galaya ay lacag bixinayaan.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net