Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Adag Ka Bixisay tallaabada Soomaaliya ku faro-galisay Maxkamadeynta Cali Samatar

Hargaysa (SLPOST)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii  kaso yedhay madaxweynaha somaliya kaga codsaday waddanka Maraykanka inay ka noqdaan Maxkmadda la saarayo Maxamed Cali Samatar, oo ku eedaysan inuu danbiyo xasuuq iyo arxan daro ah kagalay  ummada iyo waddanka Somaliland xiligii kaligi taliski arxanka darna  dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland , Mawliid Maxamed Ibrahaim, oo isagu ka hadlay arintaasi isga oo uu u waramaayay Telefeeshinka Qaranka  ayaa shegay in ay tahay gardaro cadana oo ay dowlada somaliya ku hawso ummada Somaliland, sidoo kale ka hadlay wadahadalada Somaliland iyo Somaaliya. Wasirku xigeenka oo ugu horeynti ka hadlaya arinta Cali Samatar ayaa Wuxu  hadalkiisa ku bilaabay.

latest SL news“Arrinta Maxkamada Maxamed Cali Samatar ee ka soctay dalka Maraykanka waxay ahayd arrin u taala waddankaas, waxaan u arkaynaa faragalinta ay Madaxda Somaaliya faragalinayaan gardaro cadaana oo loo gaysanaayo shacabka Somaliland, ku waas oo uu hore ugu geystay danbiyo bini aadamiye Maxamed Cali Samatar, wakhtigii uu xilka hayay, waxaanu markaas annagu leenahay arrintaas dawladda aanu jaarka nahay ee Somaaliya haka dayso faragalinta, waayo waxay sii xumaynaysaa uun jaarnimadii naga dhaxaysay”

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland. Mud: Mawliid  Maxamed Ibrahaim wuxuu sidoo kale ka hadlay wadahadaladii labada waddanka ee Somaliland iyo Somaaliya u dhaxeeyay, waxa uu shegay in ay wada hadalada labada dal uu aha mid ay aduunku ogaa lakin hada ay dowlada somaliya ay mad madow soo galisay. “Arrinta wadahadalada labada dal, mid cad ayuu ahaa adduunkuna ogaa. Lakiin siday hadda u dhigayaan Madaxda Somalaiya waa mid midow iyo riyo aan ku jirin ku qotoma, taas annaga xaggayaga mid joogta maha, mid wadahadalka ku jirtayna maha. Waxaanu u soo jeedinaynaa inay Madaxda Somaaliya ixtiramaan heshiiskii beesha caalamku goobjoga ka ahayd ee London iyo Dubai.”

Somalilandpost/Hargeysa