Xukuumadda Somaliland oo hay’adaha Gar-gaarka ugu qayla-dhaan tagtay Taakulada Qoysas Danyar ah oo Ku Baro-kacay Dab Qabsaday Guryahooda

Axmed-Cabdi-KaahinHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dajinta Somaliland Md Axmed Cabdi Kaahin, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan wixii itaalkooda ah ay ku taageeri doonaan qoysas danyar ah oo ku barakacay dab shalay qabsaday xaafadda State-House-ka ee magaalada Hargaysa.

Dabka shalay ka kacay xaafadda Isku-raranta ah ee State-houseka, ayaa khasaare naf iyo maalba leh soo gaadhsiiyey qoysas danyar ah, iyada oo ilaa inta imika la ogyahay uu dabkaasi galaaftay nolosha haweenay 50 Jir ah halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo Cusbitaalka weyn ee magaalada Hargysa.

Wasiirka Dib-u-dejinta oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, waxa uu tafaasiil ka bixiyey waxa ay ugu talo-galeen xukuumad ahaan inay ku taakuleeyaan qoysaskaas Dabku baro-kiciyey.

“Shalay waa tii ay gubatay xaafada state-houska ee buulal-yarta ah waxaa dhacday markaas in dad badani ay ku dhaawac meen hal qofna uu ku dhintay. Markaas gurmad badan ayey u baahan yihiin in loo sameeyo, ha’yadda UNHCR ayaanu u waydiinay baco ay dadku galaan iyo weel haday tahay iyo waxa ay hayaan ee ay gaadhsiin karaan dadkaas uu dabku baabiiyey,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray, “Ha’yadihii oo dhan saaka waan isugu yeedhay waxaanu ka dalbanay in ay caawiyaan dadkaas ay ku timi maqaadiirtu ee dhibaatadu heeshay sidii meel loogu heli lahaa ay gabood ka dhigtaan dadkaas halkii la dajin lahaana waxaanu uwaydiinaynaa dawlada hoose oo taasi waa mid wayn oo caam ah haayadaha dadka waxa uqabtana iyana waanu udalbaynaa hase ahaatee maanta waxa ay ubaahan yihii waa gurmad iyo hoy ay helaan markaas hoygii waxaanu ka dalbanaa in ay siiyaan haayadaha dadkaas ay soo gaadhay tabaaladu in lagu caawiyo baco si ay uga galaan.”
Wasiirka oo ka hadlayey doorkooda ay kaga qayb qaadayaan taakulaynta qoysaskaas, ayaa yidhi, “Maanta anaga waxa nala gudboon inaanu dadkaas ay soo gaadhay tabaaladu ugurmano gadhsiino wixii aanu karo ka dawlada ahaan markasta diyaar ayaanu unahay inaanu dadkaas ay tabaaladu soo gaadhay caawino ha’yadahan wixii ay ku tari karaan u waydiino.”
Wasiirku mar uu ka hadlay ilaa hadda waxa ay gaadhsiiyeen goobtii uu dabku ka kacay ayaa waxa uu yidhi, “Illaa hada waxa laga joogaa saacado markii ay dhibaatadu dhacday waxa ay ahayd galin danbe markaas galinkii danbe ha’yaduhu ma joogaan wasaaraduna dhaqaale ay uhayse oo markaas ay gaadhiisay majiro ilaa hada markaas gurmadka loo fidinayaa waxa uu ka bilaabmayaa saaka uun lakiin gurmadkii hore dawladu way ku gurmatay bakhtiintii dabkii ka kacay goobta taasina waa waxa qabada weeyaan.”
Wasiirka oo la weydiiyey qaabka  looga gaashaaman karo masiibooyinka noocan ah iyo tabaabushaha ay xukuumad ahaan ugu talo-galeen, waxa uu ka war-wareegay inuu sheego taageerada hu’ga iyo hoyga ah ee ay xukuumad ahaan ugu talo-galeen, isaga oo isaga riixay dhinaca hay’adaha gar-gaarka ee dalka ku sugan. “Ha’yaduhu way hayaan wixii ay kaga tabaabushaystaan waxaana uyalaan bakhaaradooda lakiin anagu kacanta kuma hayno ee haayadii waxaad usheegto ee aad tidhaahdo halkaas ayey mushkiladi ka dhacday waxa ay ubaahan yihiin in ay goobtii tagaan oo ay eegaan si ay usoo ogaadaan xaalka meesha sida uu yahay markaas ayey keenaa wixii ay ku tari karaan lakiin waxaas ayaa loo baahan yahay waxba kagama helno ha’yadaha,” ayuu yidhi Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland.

Xaafadda State-Houseka oo ah xarunta uu geli jiray badhasaabkii boqortooyada Ingiriiska u qaabilsanaa Maxmiyaddii Somaliland, kuna yaala xaafadda Shacabka ee Galbeedka Hargeysa oo wakhtigan ay deggen yihiin qoysas danyar ahi, ayaa sannad walba la kulma dhacdada noocan ah, iyada oo khasaare kala duwan oo naf iyo maalba lihi ka soo gaadho Dabka Qabsada oo ay u nugul yihiin inuu si sahlan ugu faafo qaybo badan oo xaafaddaas ka mid ah.

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net