Xukuumadda Somaliland Oo Guddiga Doorashooyinka Ku 40% Kharashka Doorashada Madaxtooyada iyo Qaddarka ay dhantahay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku wareejisay adduun lacageed oo dhan 40 Milyan oo Dollar, taas oo u dhiganta boqolkiiba 40 kharashka doorashada Madaxtooyada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada.

Kulankan lacagta lagula kala wareegay oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, waxa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay hoggaaminayeen Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

dsc_0261War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Waxa halkaasi ugu horaynba ka hadashay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo lacag dhan 4Milyan oo doolarka Maraykanka ah ku wareejisay gudoomiyaha gudidda doorashooyinka qaranka waxaana ka mid ahaa hadaladii wasiirka. ”Sidaad la wada socotaan doorashadii madaxweynaha oo dhacaysa 28/March/2017, ee uu madaxweynuhu amar ku bixiyey in aanay maalin dib uga dhicin, komishankii oo nala jooga oo walaacyar ka qabay inay lacagtaasi dhakhso ugu timaado ama ay hay’adihii bixin lahaa ay runtii waxyaabo badan uu dib u dhac ku yimid ayey dawladdu goosatay inay afartii milyan ee ay ku balanqadeen ay maanta ugu shubaan account-ka komishanka, haddii marka ay soo noqdaan ay yidhaahdaan hay’adihii waxba way bixin waayeen inay dawladu masuuliyadaa qaado waayo masuuliyada in doorasho la qabtaa dawlada ayey saran tahay, way yara kaalmaynayeen hay’aduhu, haddii laakiinse ay dib u dhac ku ridayaan ma ogolaanayno, madaxweynuhuna wuu cadeeyey amarna wuxu ku bixiyey in aanay maalina dib uga dhicin. Markaa sidaa aawadeed annagoo fulinayna awaamiirtii madaxweynaha ayaanu afartii milyan ee doolar maanta oo ay taariikhdu tahay (22.10.2016) ku wareejinaynaa komishanka doorashooyinka”.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka, Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isna lacagtaasi ka gudoomay wasiir samsam ayay weedhihiisa ka mid ahaayeen “Maanta oo sabti ah bishu tahay 22.October.2016, waxa komishanka doorashooyinka qaranku halkan ku cadaynayaan inuu ka helay dawlada ama ka gudoomay jeegdhan afar milyan oo doolar, kaasoo qayb ka ahaanaya ama ka mid ah dhamaystirka diwaangelintii aynu soo dhamaystirnay oo ay ka mid tahay daabacaada kaadhadhkii, qaybintoodii iyo diyaar garowga doorashada soo socota ee madaxweynaha, waxa aanu halkan uga mahadnaqaynaa dhamaantood intiii ka qaybqaadatay diwaangelintii aanu soo dhamaystirnay oo ay ka mid yihiin idinkan na hortaagan ee saxaafada ahi. Waxa aanu u mahadnaqaynaa dawlada Somaliland ama xukuumaddaba ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo marwalba oo aanu u baahano intii aanu shaqadan haynay diyaar noola ahaa wixii aanu uga baahano.

Waxa aanu mahad gaara u mahadnaqaynaa haddaanu nahay komishanka doorashooyinka labada wasiir ee Madaxtooyada iyo Maaliyada oo iyaguna hadh iyo habeen heegan noo ahaa inay na garab galaan wixii kolba baahiyo jira ee aanu u baahano. Dabcan saddexda xisbi qaran gudoomiyeyaashooda iyo bahdoodaba iyagana mahad weyn ayaanu halkan uga jeedinaynaa wadashaqayntii aanu soo wadashaqaynayna way nala shaqeeyeen oo ilaa wakhtigan noo socota.

Marka aan taa intaa ku dhaafo waxa aan idinku wargelinayaa ama idinla socodsiinaynaa in komishanka doorashooyinka qaranka xubno ka mid ahi ay beri u safri doonaan waddanka dibediisa halkaas oo ay kula kulmi doonnaan qaadhaan bixiyeyaasha ka caawiya dawlada ama dhanka Somaliland doorashooyinka, kaasoo aanu ku lafaguri doono kalana xaajoon doono qaybtay ka qaadan doonaan doorashada soo socota ee madaxweynaha, taasoo aynu rajaynayno inay qabsoonto 28-March-2017”.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo si qoto dheer uga hadlay arrinta doorashada ayaa yidhi “Waxaa saaka aanu halkan munaasibadan u qabanay in aanu Gudiga Doorashooyinka qaranka ku wareejino sidii Wasiirka Maaliyaddu sheegay Lacagtan miisaaniyadii ay ku kacaysay Doorashada Madaxtooyaddu iyo dhamaystirka diwaangelinta cod bixiyayaashu qeybtii aanu hore u balan qaadnay, 25-kii bisha Augost  2016-ka waxaa xarunta gudiga doorashooyinka ka qabsoomay shir saddex geesood ah ama afar geesood, gudiga komishanka qaranka oo ah hay’adda u qaabilsan maamulka iyo isku duba ridka doorashooyinka oo ah hay’ad Farsamo, Garsoor waxaa kale oo goobtaa joogay deeq bixiyayaasha oo laba qeybood ahaa, qeyb Nairobi kaga jirtay wada hadalka oo aanu isu arkaynay maqal iyo muuqaal iyo qeyb nala joogtay shirka. Waxa kaloo shirkaa joogay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran iyo cid ku wehelisay xisbiyadooda, waxaa kaloo shirkaa joogay xubno ka tirsan Xukuumadda ama Wasiiro oo aanu ka mid ahayn aniga iyo Wasiir Samsam iyo Wasiirka Qorshaynta, shirkaasi waxaa gudiga doorashooyinka qaranku kusoo bandhigeen Miisaaniyad lagu qabyo tirayo Diiwaangelinta codbixiyayaasha   laga bilaabo bisha September ilaa iyo 28-ka March oo laba qeybood isugu jirta dhamaystirka diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ay ka mid tahay kaadhadh bixintii daabacadii iwm, iyo doorashada lafteedii qabashadeedii kharashkaas bay soo bandhigeen Lacag balaadhan bay ahayd lacagtaasi oo ay si fiican usoo hufeen oo khubaro ka caawisay, kharashka markii lannoo soo bandhigay waxa aanu golihii kaga hadalnay annagu Xukuumadd ahaan diwaangelintii in aanu kharash badan bixinay oo dedaalnay, taasoo ay sabab u tahay danaynta aanu danaynay in doorashadu iyo diiwangelintu qabsoomaan.

Xukuumadihii Somaliland ee u kala danbeeyey xilalka iyadoo mas’uuliyad qaran ah qabashada doorashooyinku iyo diiwangelinuhu haddana duruufaheeda iyo awoodaheeda madaama aynaan ahayn qaran la aqoonsan yahay oo taag yar, ceeb maaha dee inaynu runta sheegno waxay bixin jireen boqolkiiba shan iyo labaatan (25%) boqolkiiba shan iyo todobaatanna (75%) waxaa caadiyan inaga kabi jiray deeq bixiyayaasha ama dalalka aynu saaxiibka nahay Midowga Yurub gaar ahaan  iyo Dawladda Ingiriiska.

Diiwaangelintani waxay ahayd diiwaangelin xooga oo ka duwan tii hore oo miisan faro badan  leh  waan u hambalyeynaynaa gudida doorashooyinka qaranku hawl badan bay ka qabteen annaguna, annagoo danaynayna masuuliyadda qaranka u hayno iyo in waxaasi qabsoomaan waxanu bixinay lacag aad u faro badan oo ka badan ku talo galkii markii hore xata miisaaniyada aanu samaynay meelo badan baanu wax ka habaynay, iyagaa wakhtiga ay munaasib noqoto ka warami doona waxaanu bixinay adduun weyn oo aanu aamisanahay inaanu bixinay annagu ay sida kale isu dhaaftay oo gacanta sare aanu annagu leenahay imika kharashyadii hadda baxay baanu aaminsan nahay.

Maalintaa aanu  isu nimidna iyadoo sidaa laga warbixiyey, cid waliba waxay bixisay ayaanu nidhi lacagtaas lagu qiyaasay ee golaha la keenay annagu waxaanu bixinaynaa lacag Afar Milyan oo Doolar ah ($4,00000 Million) oo taqriiban boqol kiiba afartan (40%) ka dhigaysay kharashkii doorashada iyo diiwaangelinta.

Waxaanu markaa maanta munaasibadan u qabanay inaanu halkan ka baanno warbixino kale ka jeedino ma ahayn nuxurku inaanu ku cadayno ku talo galkii iyo balan qaadkii fulino, oo ay naga go’an tahay in doorashadaasi xiligeedii masuuliyadda qeybta nagaga beegan, doorashadu waa masuuliyadd wadaradeed dabcan Madaxweynaha ka wada masuula qaranka, haddana mas’uuliyadaa wadareed qeybiba inbay leedahay annagu qeyb baanu leenahay xisbiyaddu qeyb bay leeyihiin gudiga doorashooyinku qeyb bay leeyihiin, beesha caalamka ee inaga taageertaana qeyb bay leedahay, markaa innaanu qeybtayadii Commitments-kii shirkaa aanu ku galnay inaanu ku wareejino guddiga doorashooyinka ayaanu munaasibada u qabanay, waxaa kale oo aanu diyaar u nahay inaanu gudiga doorashooyinka kala shaqayno wixii duruufo yimada, annagu hadda dardaar warin mayno waxaanu ognahay saaxiibadeen dalalka inaga taageeri jiray diiwaangelinta waa u abaal haynaa waa u mahad naqaynaa waxaynu xaq ugu leenahay oo waajiba maaha saaxiibtinimada, taakulaynta iyo taageerada waynu isku lahayn ilaa maantana waynu u baahanahay iyagana waxaanu ugu baaqaynaa in ay maanta hawshaa nala suuro geliyaan siday awalba noo garab joogeen ayaanu iyagana ugu baaqaynaa, hadii ay cadaato in markaasi saaxiibadeen aanay maanta waxba inagu biirinayn ummadd baynu nahay waynu tashanaynaa waa isu tashanaynaa waynu isku kalsoonahay tallo balaadhan baynu geli doonaa”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.