Xukuumadda Somaliland oo Go’aan ka soo saartay Sicir-bararka Qiimaha Shidaalka oo Boqolkiiba 27 Kordhay

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay qiimo go’an oo lagu iibinayo noocyada kala duwan ee Shidaalka oo toddobaadyadii u dambeeyey Sicir-barar ku yimi.

Qiimaha ay wasaaraddu maanta u dejisay iibka Shidaalka, ayaa u muuqda mid aan waxtar la taaban karo kul lahayn wax-ka-qabashada qiimo-bararka ku yimi iibka Shidaalka ee gudaha dalka oo kor u kiciisa la dareemay labadii toddobaad ee u dambeeyey, iyadoo aanu jirin kor-u-kac ku qiimaha Shidaalka ee Dalalka Deriska oo uu ku jiro dalalka qalalaasaha dagaal ka socda ee Ethiopia oo Qiimaha Shidaalku libin-laab ka jaban yahay gudaha Somaliland.

Qiimaha Iibka Shidaalka Baatrool ayaa suuqyada magaalada Hargeysa ka maraya 7,500 SLSH Litirkiiba, iyadoo laba toddobaad ka hor qiimaha shidaalku marayey 6,500 SLSh.

Advertisement

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Xamse Xaamuud Guuleed oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa soo bandhigay Qiimo sar-go’an oo xukuumaddu ugu talo-gashay iibka Shidaalka laga soo bilaabo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera ilaa Meheradaha Ganacsiga ee sida tafaariiqda ah loogu iibiyo.

Agaasimaha Guud oo wareegto dhaqan-galkeedu maanta ka bilaabmayo u kala diray Isu-duwayaasha Wasaaradda ee gobollada Dalka, waxa uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya Qiimaha Halka Litir ee Baatroolka lagu iibinayaa yahay 7,119 SLSH una dhiganta $0.84, halka Iibka Litirka Naaftada ah uu ku sheegay 6,200 Shilin oo u dhiganta $0.74.

“Shidaalka marka aan ka hadlo waa laba qaybood, haddii ay naafato noqoto iyo haddii ay batrool noqotaba. Batroolku marka uu haamaha ka soo baxayo waxa ay Foostadii kaga soo baxaysa 156 doollar, gaadiidka waxa u saaran Afar dollar. Faa’idada Batroolka ugu jirta waxa weeyi Toddoba Dollar iyo Badh foostada. Marka Kaalmaha shidaalka la keeno isugeyn waxa uu noqonaya 167.5-dollar. Taasi oo Halkii litir yahay 84 cent, shilinka Somaliland-na waxa uu noqonayaa Toddoba kun, boqol iyo sagaal iyo toban Shilin,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Isaga oo ka hadlayay Qiimaha Naafatada, waxa uu yidhi, “Naafatadu haamaha waxa ay kaga soo baxaysa halka foosto 137.2 Dollar, gaadiid ama basraac waxaa ay wasaaraddu qiimaysay faa’iidada u saaran 7 dollar, isugeyn marka la iibinayo shidaalku waxa uu suuqa ku yaala 147.7 Dollar, taasi oo halka litir yahay 0.74 Dollar, shillinka Somaliland-na waxay noqonaysa ugu badnaan 6200 oo Shilin. Sidaasi darteed waxa lagu wargelinaya isu-duwayaasha gobollada dalka inay arrinkaasi u qabsoomaan, kuna tallaabsadaan”.

Kor-u-kaca Qiimaha Shidaalka ayaa laga dareemay gudaha dalka labadii toddobaad ee u dambeeyey, iyadoo qiimaha Iibka Halka Litir ee Baatroolka ahi ahaa 6,500 SLSH, halka uu immika ka yahay 7,500 SLSH, waxaana muddadaas kooban qiimaha Shidaalka ku kordhay 1,000SLSH oo u dhiganta korodh ah 15%.

Qiimaha Shidaalka ee suuqyada Somaliland, waxa 8-dii bilood ee u dambeeyey ku yimi Kor-u-kac ah boqokiiba 27 marka la barar-dhigo qiimaha Iibka ee xilligaas loo jaan-gooyey oo ahaa 5,600 SLSH iyo Qiimaha xilligan loo asteeyey iibka Shidaalka oo ah 7,119 Shilin.

Bishii March ee sannadkan, ayaa xukuumaddu sidan oo kale u jaan-goysay Sicirka Iibka Shidaalka oo kor-u-kacay, waxaana wareegto ka soo baxday Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland, taas oo ku dhaqan-keeda muddo bil ah loo cayimay, waxaana wareegtadaas lagu sheegay in Qiimaha Iibka tafaariiqda ee Halka Litir ee Baatroolka ahi tahay 5,600 SHSL iyo Litirka Naafatada ah oo loo jaan-gooyey 5,200 SLSH.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On