Xukuumadda Somaliland oo Go’aan ka soo saartay Libaaxyo Gudaha Hargeysa lagu xannaaneeyo

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saartay Libaaxyada uu magaalada Hargeysa ku Dhaqdo siyaasiga Cali Maxamed Waran-cadde, kaddib markii uu khasaare nafeed geystay mid ka mid ah libaaxyada oo xerada lagu xannaaneeyo ka baxsaday.

Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo xilal wasiir ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ka sameeyey Beer lagu xannaaneeyo Libaaxyada oo uu hirgeliyey dhowr iyo toban sanno ka hor.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Guuraaga ee Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maanta warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in Xukumaddu la wareegayso Libaaxyada uu magaalada Hargeysa ku xannaaneeyo Siyaasiga Cali Waran-cadde.

“Dawladdu way kala wareegaysa libaaxyada, waxaanu gaynaynaa xarunta loogu tala-galay xanaanaynta Duur Joogta Somaliland”, sidaas ayay sheegtay wasiir Shugri Xaaji Ismaacil Baandare.

Mid ka mid ah Libaaxyada ayaa shalay fiidnimadii ka baxsaday Beerta lagu xannaaneeyo, waxaanu dhaawacyo kala duwan u geystay laba qof oo midkood yahay haweenay uu ku weeraray gurigeeda oo ku yaalla degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, halka qofka kale yahay nin ka shaqaynayey beerta lagu xannaaneeyo xayawaankan.

Ciidammada Ammaanka ee magaalada Hargeysa ayaa xalay xilliyadii dambe ku guulaystay inay toogtaan libaaxa dad qaadka ah.