Xukuumadda Somaliland oo go’aan ka soo saaraysa Booyadaha Biyaha u Dhaamiya magaalooyinka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in booyadaha biyaha u dhaamiya magaalooyinka ay caqabad ku yihiin wax-soo-saaka dalagga beeraha.

Wasiirku waxaa uu xusay in ay iska kaashanayaan sidii loo yareyn lahaa booyadaha biyaha ka soo dhaamiya ceelasha loogu talo galay waraabka beeraha, taasina ay sababtay inay meesha ka baxayaan ku dhawaad konton kun oo geed oo uu tilmaamay in ay wax badan ka tari laheyd khudaarka dibadda laga soo dhoofiyo.

Advertisement

“Waxaad arkaysa nin laba kun oo geed leh, hanta badanina ay ka soo gali laheyd magaaladana innagaga filaan lahaa, balse ninkii ceelka biyaha ah lahaa waxaa uu ka dhaaminayaa konton booyadood, waxaa aad arkeysa dhirtii oo qalashay, iyo booyadihii biyaha oo sidaas isu daba taagan oo laga soo dhaaminayo ceelashi biyaha ee loogu talo galay in beeraha lagu waraabiyo, taasina dhab ahaantii caqab ayay ku tahay dhankii wax-soo-saarka beeraha, wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaanu isla kaashanaynaa oo waxaa aanu doonayna in dhawaan aanu go’aan ka gaadhno, si loo yareeyo isticmaalka booyadaha ka dhaan sanaya ceelasha waraabka u ah beeraha, sidaas ayuu yidhi Wasiirka oo maanta warbixin siiyey Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida ee Somaliland.

Muuqaalka hoose kaga bogo hadalka Wasiirka

 

Follow us On