Xukuumadda Somaliland Oo faahfaahisay Xogta Kooxo Argagixiso ah oo Ku Sugan Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay magaalada Laascaanood ku soo qul-qulayaan kooxaha argagixisada ah ee ka hawl-gala gobollada Soomaaliya, waxaanay faahfaahin ka bixiyey tirade iyo meelaha ay ka kala yimaaddeen kooxahaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay inay shacabka Somaliland iyo Beesha Caalamkaba u caddeynayso inay Magaalada Laascaanood ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah oo kala yimi Gobollada Dhexe ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay inay tirade ugu badan ee Kooxaha Argagixisada ahi soo galbeen Magaalada Laascaanood wixii ka dambeeyey 25-kii August oo ahay maalintii ay Ciidamadaa Qaranku ka soo baxeen fadhiisimadooda Bariga Gobolka Sool.

Advertisement

Kooxaha Xagjirka ah ee ku sugan Laascaanood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, ayay wasaaradda Arrimaha Guduhu ku sheegtay inay ka kooban yihiin qaar ka yimi gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ka soo firdhaday dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Soomaaliya, kuwo fadhiisinkoodu yahay Buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland iyo kuwo ka soo baxay xeryo tabobar oo ku yaalla Buuhoodle.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa u qornaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood.

Sidii ay horeyba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August.

Hadaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay maanta bulshada u caddaynaysaa iyo Caalamkaba meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika.

1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle waxay ka soo degeen Buuraha Silsilada Golis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha Al-shabab iyo Daacish.

2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobolada Dhexe ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaalada ka socda Soomaaliya.

3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababar oo uu leeyahay Abdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Buuhoodle. Xeryahan tababarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu  ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab.

Cabdi Madoobe ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey  ilaaladii gaarka ahayd ee Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Caydhow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaasoo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On