Xukuumadda Somaliland oo dib u furtay Seeraha Banka Aroori oo in muddo ah Xidhnaa

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco ayaa maanta shaaciyey in Seeraha Banka Aroori oo hore u xidhnaa loo fasaxay xoolaha in ay daaqaan Banka.

Masuuliyiinta heer gobolka ee hay’adaha dowladda u jooga gobolka oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa si wada-jir ah uga hadlay go’aanka ay xukuumaddu ku fasaxday banka aroori oo ka mid ah dhul-daaqsimeedyada dabiiciga ah ee dalka.

Munaasibad loo qabtay furitaanka Banka waxa ugu horeyn ka hadlay Isuduwaha wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Cabdi Muuse Jaamac (Hindi), waxaanu sheegay in wakhtigan baahi weyn loo qabay in la furo Banka Aroori si xoolaha ku dhaqan duleedka magaalada Burco u daaqaan calafka ku yaala Bankaas, isaga oo intaas ku daray in markii la xidhayey Bankaas looga dan lahaa in xiliyada adag lagu badbaadiyo xoolaha.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Geelleyda magaalada Burco oo soo dhaweeyey furitaanka Bankaas oo ay tilmaameen in Seerahaasi qiimo weyn ugu fadhiyo xoolo dhaqatada gobolka Togdheer iyo guud ahaan qarankaba, waxayna u mahadceliyeen mas’uuliyiinta wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaraddaasi Siciid Sulub Maxamed.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Togdheer gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax, duqa degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xeyd, oo sheegay in markii la xidhayey Seearaha Banka Aroori ay dad badani ka soo horjeedeen, balse maanta ay taagan tahay baahidii la doonayey inuu daboolo, waxayna bulshada Seerahaas daajinaysa xoolahooda u soo jeediyeen in ay ilaaliyaan nabadgalyada oo ay ka faa’iideystaan cawskaas ay xukuumaddu u kaydisay si ay ugu badbaadaan xoolaha deegaankaasi.