Xukuumadda Somaliland Oo Cafis U Fidisay Dableydii Buurta Gacan Libaax Oo La Kala Diray

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay jirin wax alaale wax loo raacayo Dableydii ka hawl-galaysa Buurto Gacan Libaax iyagoo loo hoggaansamayo go’aamo ay toddobaadkii hore soo saareen ergo isu-xilqaantay xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Dableyda Buurta Gacan Libaax oo ujeeddada ay buurta u fuleen ahayd khilaafkii ka taaganaa doorashooyinka Ururrada Siyaasadda iyo madaxtooyada kooda soo horeynaya, isla markaana ka shidaal-qaadanayey mabaadii’da Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo  ka soo horjeeday in la soo horreysiiyo doorashada Ururrada, ayaa ku tallaabsaday falal liddi ku ah amniga dalka, iyagoo qudha ka jaray sagaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska oo ay ku weerareen meel u dhow degmada Go’da Weyn ee gobolka Saaxil.

Qoraal caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumadda oo u fulinaysa go’aamadii ay soo saareen Ergada Dhex-dhexaadinta ay go’aan ku gaadhay in cafis loo fidiyo Dableyda Buurta Fuushay oo la sheegay in xilligan la kala diray kaddib markii ay ka hawl-galeen madax-dhaqameedka Beesha Garxajis iyo murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kuwaas oo fulinaya go’aamadii Ergada dhex-dhexaadinta.

“Waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay Qoraalkan oo ay ku caddeynayo in dhalinyaradii hubka la fuulay Buurta Gacan-Libaax aanay Xukuumaddu wax Alla Wax ay u Raacaysaa Jirin, halkaana arrintaa lagu soo xidhay. Waxaana Aanu rejaynaynaa in cid kasta oo ay khusaysaa arrinkaa sidaa ku aqbalaan oo arrinkaasi halkaa ku xidhmo,” Sidaa waxa lagu sheegay qoraalka caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland isla markaana ku saxeexan yahay Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed.

Hoos kaga Bogo Go’aanka Xukuumadda

cafiska xukuumadda ee jabhadda buurta gacan libaax (1)cafiska xukuumadda ee jabhadda buurta gacan libaax (1)