Xukuumadda Somaliland Oo Caalamka U soo Bandhigtay Xaqiiqada Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay dagaalka ka socda Laascaanood ka qayb-qaadanayaan kooxda Al-shabaab iyo Maleeshiyaad kale oo kooxdaas ku xidhan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo u warramay Barnaamijka Focus On Africa ee Idaacadda BBC, ayaa sheegay in Dawladda Somaliland dagaalka Laascaanood ku qabatay xubno ka mid ah kooxda Al-shabaab, ka dib markii kooxahaasi weerarreen fadhiisimada Ciidammada Qaranka ee Magaalada Laascaanood.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Ciidamada Qaranku qabteen oo ay Maxaabiis ahaan Ciidamo Reer Puntland ah, kuwaasi oo ka qayb-qaatay dagaalka lagu soo qaaday Somaliland.

Wasiir Kayd wuxuu sheegay inay beesha Caalamka u soo bandhigayaan Dadka Argagixisada ah ee Ciidammada Somaliland ku qabteen dagaalka ka dhacay Laascaanood iyo kuwa Maamulka Puntland laga hayaba.

Somalilandpost.net

conatct@somalilandpost.net