Xukuumadda Somaliland Oo bogaadisay Madaxweynaha Cusub ee dalka Taiwan

Natiijada Doorashada Oo Farriin u Dirtay Shiinaha

Taipei (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa Hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee ku guulaystay Doorashada dalka Taiwan.

Xisbiga talada dalka haya ee DPP, ayaa markii saddexaad oo isku xigta ku guulaystay doorashada madaxweynaha Taiwan, iyadoo murashaxa xisbiga DPP ku guulaystay in ka badan boqolkiiba 40.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa hambalyo loogu diray madaxweynaha Cusub ee dalka Taiwan Lai Ching te iyo madaxweyne ku-xigeenka Hsiao Bi-khim.

“Taiwan waxay si dhab ah u muujisay sida ay ugu heelan tahay qiyamka dimuqraadiga ah, waxaanay tusaale ay u hiigsadaan u tahay dalalka kale.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku baahisay barteeda X.

“Somaliland waxay si kal iyo laab ah u taageersan tahay xoriyadda, kala-dambaynta, maamul wanaaga iyo dimuqraadiyadda aad hiigsanaysaan. Waxaanu rejaynaynaa inaynu horumar ka gaadhno Iskaashigeenna.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Guusha Xisbiga DPP ka gaadhay Doorashooyinka Taiwan, ayaa farriin cad u dirtay Shiinaha oo sheegta in Taiwan tahay Qayb dhulweynaha Shiinaha ka tirsan, waxaanay natiijadu muujisay sida ay shacabka Dalkaas uga go’antahay ka-midho-dhalinta madax-bannaanida dalkooda.

Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dalka Taiwan, waxa ku tartamay saddexda xisbiga ee DPP, KMT iyo TPP. Murashaxa madaxweynaha Xisbiga KMT ayaa ku guulaystay boqolkiiba 33.5 halka murashaxa xisbiga TPP helay boqolkiiba 26.5.

Doorashada Baarlamaanka, ayaa Xisbiga DPP ku guulaystay 51 Kursi, Xisbiga KMT wuxuu helay 52 kursi halka xisbiga TPP ku guulaystay 8 kursi, taasoo ka dhigan inaanu jirin xisbiga ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaas.

Xisbiga kaalinta 2aad ka galay doorashada Taiwan ee Kuomintang (KMT), ayaa xambaarsan afkaarta iyo midnimada dhulweynaha Shiinaha.

Somalilandpost Media Inc.