Xukuumadda Somaliland oo Bilowday Hawl-gal Daawo iyo Nafaqeyn loogu Samaynayo 5 Milyan oo Xoolo ah

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta Bilowday Hawl-gal Daaweyn iyo Nafaqeyn loogu samaynayo in ka badan Shan Milyan oo Xoolo, kaas oo laga fulin doono guud ahaan gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa maanta kala diray kooxo Dhakhaatiir ah oo hawl-gelo daaweyn iyo nafaqeynta xoolaha ka soo fulin doona gobollada dalka.

Wasiir Siciid Sulub wuxuu sidaas ka sheegay mar uu maanta la hadlayey kooxo loo kala dirayey gobollada dalka, waxaanu tilmaamay in olole ballaadhan lagu daweynayo ilaa saddex milyan oo neef oo xoolo ah dalka laga fulin doono, isla markaana la nafaqeyn doono xoolo tiradoodu gaadhayso 5 Milyan oo Neef.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu wuxuu sheegay in hawlgan ay ka caawisay Hay’adda FOA, waxaanu tilmaamay inay ka faa’iidaysan doonaan 75 kun oo qoys oo xoolo dhaqato ah.

Wasiir Siciid Sulub waxa uu tilmaamay in ololahaas caafimaadinta iyo nafaqeynta xoolaha uu gobollada dalka oo dhan ka socon doono muddo 45 maalmood ah.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu xaqiijiyey inay Hay’adda FAO ka caawinayso 1,400 oo Booyadood oo biyo ah oo ay gaadhsiin doonaan xoolo dhaqatada ku dhaqan gobollada Bari ee dalka oo Abaartu si xooggan u saamaysay.

Xagga Hoose Warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.net