Xukuumadda Somaliland Oo Beesha Caalamka U soo bandhigtay Xaqiiqooyinka Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (SLpost) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Beesha Caalamka ku War gelisay inay Magaalada Laascaanood Ciidankeeda kula dagaalamayaan Ciidamo ay Maraykanka iyo Imaaraadku u tabobareen la-dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad-badeedda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku faahfaahisay dhacdooyinkii ka dhacay gobolka Sool tan iyo bishii February ee sannadkan.

Waxa War-saxaafadeedka lagu sheegay in Somaliland lagu soo qaaday weeraro hawlgalo joogto ah oo lagu doonayo in lagu khalkhal galiyo xasiloonida mandaqada, kuwaas oo ay fulinayaan isbahaysi ka kooban ciidammo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kooxaha argagixisada ah, maleeshiyaadkii Laascaanood iyo askartii Soomaaliya ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

“Ilo-wareedyo sirdoon ayaa noo xaqiijiyey in ciidanka badda Puntland ee PMPF oo ay Imaaraadku u tababareen la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo budhcad-badeedda ee ka hawl-gala Puntland-Soomaaliya ay hadda ku biireen isbahaysiga, iyagoo qaataqaata direys kala duwan si ay u qariyaan ujeeddooyinkooda runta ah.

Sidoo kale, ilo-wareedyadu  waxay xaqiijiyeen in laba iyo toban baabuur oo Land Cruiser ah si ula kac ah loo habeeyey si loogu isticmaalo colaadda Laascaanood.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Xukuumaddu waxa ay sheegtay in Imaaraadka iyo Somaliland uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo iskugu jira arrimo ganacsi, nabadgelyo iyo mid horumarineed waxayna Somaliland sheegtay inay ka xun tahay in Ciidankii uu Imaaraadku u maalgeliyey Maamul goboleedka Puntland Somalia ay hada ku hawlan yihiin sidii ay u wiiqi lahaayeen nabadgelyada Somaliland.

Waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay, “Waxa arrin aad looga xumaado ah in ciidamo ay tababareen Imaaraadka iyo Maraykanka oo markii hore loogu talagalay inay la dagaalamaan argagixisada iyo budhcad-badeedda ay hadda ka barbar dagaalamaan kooxahan xagjirka ah ee ka soo horjeeda Somaliland.”

Xukuumaddu waxa ay saaxiibbada Somaliland iyo beesha caalamkaba u caddaysay, “Waxaannu saaxiibadayada iyo beesha caalamkaba u caddaynaynaa in Somaliland ay si hagar la’aan ah u gudatay waajibaadkeeda, isla markaana ay tixgelisay baaqyadii ka soo baxayey beesha caalamka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga, waxa lagu sheegay in Somaliland ay aqbashay dhexaadintii ay wadday  dawladda Itoobiya, inkastoo ay Wax laga xumaado tahay in maleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascaanood aanay qaadan dhexdhexaadintaas iyo baaqyadii ka soo baxayay beesha caalamka.

“In kasta oo aan si dhab ah u dadaalnay, haddana waxa wali nagu socda weeraro aan kala joogsi lahayn, taasoo keentay in magaalada ay qabsadaan kooxaha argagixisada iyo isbahaysigan Cusub,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxa ay Xukuumaddu caddeysday inaanay Somaliland ka waaban doonin inay difaacdo qaranimadeeda si ay u soo afjarto colaadaas, waxayna beesha caalamka u soo jeedisay inay cambaareeyaan ficillada ay wadaan isbahaysigan burburinaya nabada deegaankaas, isla markaana ay Somaliland ku taageeraan dedaalka ay ugu jirto soo celinta nabadda iyo xasiloonida Magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net