Xukuumadda Somaliland Oo Bayaan Ka Soo saartay Xiisadda Laascaanood iyo Dagaalkii Maanta

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay geed-dheer iyo mid gaaban ba u fuushay hirgelinta wax kasta oo suurto-galinaya nabadgelyo ku-wada-noolaansho si loo gaadho xalka xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Xarunta gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyey uu ka socday shir ay isugu yimaaddeen madaxda dhaqanka ee gobollada Buuhoodle iyo Sool, ayaa maanta dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ku dhex-maray Ciidammada Qaranka Somaliland iyo malleeshiyo-beeleed maalmihii u dambeeyey isku urursanayey gudaha magaalada.

Dagaalka oo bilaabmay subaxnimadii hore ee Isniinta Saaka, ayaa ku yimi kaddib markii malleeshiyaad ka amar-qaata Garaaddada shirku uga socdo magaalada ay weerar ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee magaalada Laascaanood, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba soo gaadhay.

Xukuumadda Somaliland oo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood kaga hadashay war-saxaafadeed lagu faafiyey luqadda Ingiriisiga, waxa ay sheegtay inay wada-hadallo ku yaboohday fool-ka-fool ah oo dhexmara madaxda dowladda iyo madax-dhaqameedka si looga fogaado isfaham la’aan ka dhalan karta isku-dhac hubaysan oo ku dhiig ku daato, balse nasiib-darradu ka dhacday kaddib markii madax-dhaqameedka qaarkood natiijadii wada-hadallada ka hor-dhaceen, dagaalna iclaamiyeen, isla markaana weerar ku qaadeen fadhiisimada Ciidamadu ku leeyihiin magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirrada ku sugan magaalada Laascaanood ay soo weerareen kooxo hubaysan oo ay hogaaminayaan shakhsiyaad caan ah oo argagixisada ka tirsan, kuwaas oo sida warka lagu sheegay dhawaan soo galay magaalada Laascaanood iyagoo taageero ka helaya madax-dhaqameedka shirku uga socday magaalada.

Ugu dambayn, waxa ay xukuumadda Somaliland war-saxaafadeedka ku sheegtay inay Ciidamada Qaranku juhdi iyo dedaal badan ku bixiyey sidii aanu khasaare u soo gaadhin dadka shacabka ah maadaama kooxaha argagixisada ahi gabbood ka dhigteen meelaha dadka rayidka ahi ku badan yahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net