Xukuumadda Somaliland oo $15 Milyan U Qoondaysay Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda horrumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shaaciyay in lacag dhan $15 milyan oo dollar loo qoondeeyay doorashooyinka Somaliland ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo sannadka soo socda.

Wasiir Sacad Cali Shire aya hadalka ku warbixin uu ka jeediyey Golaha Wakiillada oo uu maanta hor-geeyey Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka, taas oo Khamiistii toddobaadkii hore ansixiyeen Golaha Wasiirrada Somaliland.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in saaxiibada dalalka Beesha Caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland ay doorkooda ka qaadan doonaan doorashooyinka.

“Mudnaanta aynu siinay meelaha kharashku ku baxo, waxay ku salaysan tahay siyaasadda xukuumadda iyo xaaladaha ka taagan waddanka.

Sannad misaaniyadeedka 2023-ka waxa mudnaanta la siiyay amniga, doorashooyinka, biyaha, degaanka, wax-soo-saarka, citiraafka iyo waxbarashada.

Mudanayaal waxa doorashooyinka sannadkan aynu ku jirno ee 2022 ugu jira miisaaniyada 5 milyan, miisaaniyada sannadka soo socda ee 2023-kana waxa loo galiyay 10 milyan, isugeyn waxa loo qoondeeyay doorashooyinka soo socda ee 2023-ka lacag dhan 15 milyan, inkasta oo ay innagu adag tahay, lacagta aynu u qoondaynay doorashooyinka innaguma fila, waxa aynu rajjeynayna saaxiibadii awalba innaga caawin jiray doorashooyinku inay tana inaga caawiyaan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland shalay, ayaa lagu sheegtay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku gacanta ku hayaan kharashaadkii ay ku bilaabi lahaayeen Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha maaddaama oo Golaha Wasiirradu uu Khamiistii ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2023-ka.

Somaliland, waxa ka taagan khilaaf salka ku haya doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada ta soo horraynaysa ee marka koowaad dalka ka dhacaysa.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa doonaysa In marka koowaad la qabto doorashada Ururrada siyaasadda, halka Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay doonayaan In la qabto doorashada Madaxtooyada, wallow aanay ku qabsoomayn muddadii hore loogu qorsheeyay isla-markaana Golaha Guurtidu ay Madaxweynaha u sameeyeen muddo-kordhin dhan 2 sanadood, taasi oo macnaheedu yahay inay xilligeedii dib uga dhacayso.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net