Xukuumadda Somalia Oo Ka Jawaabtay Warar Ku Saabsan In AMISOM Xidhay Shaqaalihii Diyaaraddii Muqdisho Agteeda Ku Dhacday

 

Muqdisho(SLpost) – Warar soo baxay galinkii dambe ee Jimcaha ayaa sheegay in ciidamada midawga Africa ee Somalia ku sugan xabsiga dhigeen 6 shaqaale ah oo waday diyaaradii dhawaan ku dhacday duleedka Muqdisho. Wararka isa soo taraya ayaa sheegay in shaqaalaha lagu haysto diyaaradda oo aanay shidaalka u ilaalin.

 

 

 

Diyaaradda oo xilli habeenimo ah socotay, islamarkaana saanad u siday ciidanka Amisom ayaa la sheegay in shidaalku ka dhammaaday kadibna ay ku dhacday meel u dhaw Muqdisho, balse shaqaalaha la socday ayaa ka samato baxay shilkaasi. Garoonka Muqdisho oo aan habeenkii shaqayn ayay suuro gal noqon wayday in diyaarada oo Masar laga lahaa soo cago dhigato.

 

 

 

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa warbaahinta Hiiraan u sheegay in shaqaalahaasi aan la xidhin, waxaanu ku dooday inay degan yihiin hotel kuwa Muqdisho ka mid ah “Waxaan idiin xaqiijinayaa in shaqaalihii diyaaraddii raashinka u wadday AMISOM ee ku dhacday dhawaan agagaarka degmada Afgooye aan la xidhin oo ay xorriyadooda haystaan, sidoo kalena baasaboorradoodii haystaan, ayna deggen yihiin mid ka mid ah hoteellada ku yaalla Muqdisho,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

 

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa waxaa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Tristar oo ka diiwaan-gashan Masar, iyadoo xilli habeen ah ku soo aadday Muqdisho, balse degi waday, markaas kaddibna ku dhacday Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye.