Xukuumadda Siilaanyo oo Cadaadis kala kulantay Qurbejoog ay Canaantooda Xamili weyday

Xukuumadda Siilaanyo oo Cadaadis lagu saaray inay Telefishanka Dawladda ka joojiso Wararka Weji-ku-macaashka ahHargeysa (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sheegay inay joojin-doonaan wararka ka hadla Arrimaha beelaha ee laga baahiyo Telefishanka ku hadla afka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ka dib cadaadis kaga yimi Qurbejoogga.

Wasiir Cukuse oo galabta dalka ku soo laabtay, ka dib safar uu ugu maqanaa dalal ka tirsan qaaradda Yurub, waxa kale oo uu sheegay in Jaaliyaddaha Somaliland ee uu kula kulmay waddamadaasi ay kala hadleen in TV-ga ku hadla afka Xukuumadda aan laga baahin wararka ka hadlay Arrimaha Beelaha.

Telefishanka Qaranka, ayaa muddooyinkii dambe hub ay ku dagaalanto oo ay bulshada isaga hor keento u noqday xukumadda madaxweyne Siilaanyo oo telefishanka soo fadhiisiya madax-dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo siyaasiyiin ay isku hayb ama jufo yihiin shakhsi ama siyaasi mucaarad ah oo dhaliila hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo iyo hab-dhaqanka Xukuumaddiisa.

Hab-dhaqankan oo la magac-baxay Weji-ku-macaash isla markaana soo shaac-baxay xilligii xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa Xisbiga Kulmiye ee wakhtigan dalka ka taliya oo xilligaas mucaarad ahaa ay dhaliili jireen, uguna suntanaa hab-dhaqan ay wax ka beddeli doonaan marka ay hoggaaminta talada dalka qabtaan, balse waxa uu noqday farsamo Kulmiye dhaxlay oo lagama-maarmaan u noqday inay isaga difaacdo dhaliilaha mucaaradka.

HALKAN KA DAAWO