Xukuumadda oo Sharci-yaqaano Caalami ah u Kiraysatay Qiimaynta Heshiis Maalgashi oo Shirkadda BALLORE ku Samayso Dekedda Berbera

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay gudo-jirnaa qiimaynta iyo talooyin sharci oo ay ka urursanayaan wada-hadal la xidhiidha maal-gelinta dekedda Berbera oo dhexmaray Shirkadda Ballore ee dalka Faransiiska iyo Xukuumadda Somaliland.

dr maxamed cabdilahiWasiirka Ganacsiga Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ka fiirsanayaan isla markaana ay khubaro dhinaca sharciga ku-xeel-dheer oo Caalami ah iyo qaar dalka u dhashay u kiraysteen qiimaynta iyo sidii sharciga loo waafajin lahaa wada-hadal dalka Faransiiska ku dhex-maray Saraakiil sar-sare oo ka tirsan shirkadda Ballore iyo Wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland oo dalkaas socdaal ku tagay.

Md Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu kaga dhawaajiyey qorshe xukuumadda uu ka tirsan yahay la tamacsan tahay horumarinta adeegyada dekedda Berbera iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaanu war-bixiyey wada-hadallo dhinaca maalgashiga ah oo dhawaan xukuumaddu arrintaas kala yeelatay shirkadda Ballore.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Shirkada Ballore ee Faransiiska oo ah shirkad aad u ballaadhan oo waddamo badan oo Galbeedka Afrika dekedo ka dhistay, qaarna ka maamusha ayaa dhawaan Somaliland waxa dhexmaray wadahadal hordhac ah.

Weftigii madaxweynuhu hoggaaminayey ee dalka Faransiiska tagey waxay dawladda Faransiiska kala hadleen arrimo la xidhiidha cilaaqaadka iyo horumarinta dekedda Berbera.”

Wasiirku waxa uu soo qaaday qorshe ay xukuumad ahaan doonayaan inay ballaadhiyaan adeegyada dekedda Berbera si ay uga faa’idaystaan dalalka jaarka ah, waxaanu yidhi, “Dekedda Berberi waxay u baahan tahay inaynu horumarino oo aynu ka dhigno deked caalami ah oo gobolka oo dhan u adeegta, waxaanu doonaynaa inay noqoto goob dhaqaalaha dalka wax weyn ka tarta, oo dalalka jaarka oo dhami isticmaalaan oo noqota goob ganacsi, Islamarkaana la dhiso jid dheer oo isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo hareerihiisana ku taxan yihiin goobo ganacsi oo dhaqaalaha wax ka tara.”

Dr Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlayey diyaar-garowga ay ugu jiraan qiimaynta heshiis ay xukuumaddu kula gasho shirkaas maalgashiga dekedda Berbera, waxa uu yidhi, “Shirkaddani maaha mid ay Berberi u xidhan tahay, balse dekedda, haamaha iyo jidadku waxay u furan yihiin cid kasta oo heshiis dheelitiran oo dalkan wax taraya Somaliland la gasha, markaa waxaanu doonaynaa inaanu dhawaan talaabooyin ka qaadno, islamarkaana waxaanu haatan la tashanaynaa garyaqaanada dalka u dhashay iyo kuwo ajanabi ah oo aanu kiraysanay, si ay talooyin noogu biiriyaan naga caawiya wadahadalada shirkada Ballore iyo shirkadaha kale ee danaynaya khayraadka dalka.”

Wasiirka oo la weydiiyey sida uu heshiiskaasi u waafaqayo nidaamka ganacsiga dalka ee shakhsiyaadka gacanta ugu jira, waxa uu sheegay; qorshe ay wasaarad ahaan u diyaarinayaan sidii loo kala xadayn lahaa heerarka ganacsi ee dalka.

“Siyaasadda wasaaradan waxa ka mid ah inaanu ka hawlgalno in ganacsiga la kala xadeeyo oo aanu ganacsigu noqon mid u gaar ah shaqsiyaad, ee waa in la wada-wadaago khayraadka dalka, si aanu qof kali ahi u noqon soo-dajiye, jumladle ilaa tafaariiqle, oo aanay meesha ka bixin dadkii kale waanu ka badheedhaynaa arrintaasi oo waxaanu ku gudo jirnaa sidii aanu heli lahayn, iyo siday dalalkii inaga horeeyey u maareeyeen,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi.

Mar la weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa waxa ka jira khilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo isaga iyo wasiirka Arrimaha dibadda oo ka dhashay maalgeshiga dalka, waxa uu ku jawaabay, “Arrintaas wax ka jiraa ma jiraan, mid meesha taalana maaha, aniga iyo wasiirkaasi waxa naga dhaxeyso shaqo, wada shaqayn, dawlad baanu kawada tirsanahay, waligayna maanta ka hor ma maqal,” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.

SOMALILANDPOST.NET