Xukuumadda oo shaacisay Xaddiga Lacageed ee kaga Baxay Doorashadii Deegaanka iyo saamaynta Dhaqaale ee ay Dalka ku Yeelatay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii goleyaasha deegaanka ee sanadkii hore dalka qabsoontay ay bur-bur dhaqaale baaxad leh ku keentay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maanta u warramay warbaahinta afka Dawladda ku hadasha, ayaa saamaynta dhaqaale ee doorashadii deegaanku dalka kaga tagtay ku sababeeyey lacagtii baaxadda lahayd ee ka baxday murashaxiintii tartamaysay iyo Dawladda laftigeeda, taas oo uu sheegay in loo adeegsaday sifo khaldan.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlaya, ayaa yidhi, “Doorashadii dawladaha Hoose culays wayn oo dhaqaale oo loo baahan yahay in ay wasaaradda maaliyadu dadka u iftiimiso ayay dalka ku keentay, ka dib markii ay doorashadaasi dhacday waxaa dalkeena laga dareemayaa bur-bur dhaqaale oo aad u wayni in uu ku yimid, dad badanina ay sabool noqdeen, kuwaasi oo wixii yaraa ee ay haysteena dadkii ay qaraabada ahaayeen ee tartamayay siiyay. Musharixiintaa tartamayay qofka ugu yar ayay ku baxday lacag gaadhaysa kumaan kun Doolar, lacagtaasi waa lacag dadka iyo dalka Somaliland ka baxday, waana lacag inteeda badan si Khaldan loo isticmaalay oo Qaad iyo sigaar ayaa loo isticmaalay. Lacagtaasi inta ay jeebka dadka ka soo baxday ayay gashay wax aan muuqan,waxaan odhan karaa lacag aad iyo aad u badan oo maanta dalkeena ka muuqata oo malaayiin doolar gaadhaysa ayaa baxday.”

SamaaleWaxa kale oo uu wasiirku iftiimiyey xaddiga lacagta xukuumaddu ku kharash-garaysay doorashadii Goleyaasha deegaanka, isaga oo xusay in lacag dayn ahayd oo ay komishanka doorashooyinku galeen xukuumadu ay bixinaysay bilihii u danbeeyay , “Xagga xukuumadda lacag aad u adag ayaa gashay doorashadaa, waxaanu bixinay lacagtii uu komishanku doorashada ku maamulayay oo 3 milyan oo doolar gaadhaysay, waxa kale oo aanu bixinay lacagtii lagu qaadayay muraaqibiinta xisbiyada ee goobaha tegayay, lacag aad iyo aad u badan ayay xukuumada Somaliland ku bixisay arrintaa doorashada, iyo lacag dayn ahayd oo komishanka doorashada lagu yeeshay ayay dawladu bixinaysay bilihii u danbeeyay,” ayuu yidhi wasiir Samaale.

Wasiirka Maaliyada Somaliland waxa uu sheegay in lacagataas xaddigeedu badan yahay ee gashay doorashooyinka ay tahay mid ka maqan shacabka iyo xukuumadaba, waxaanu yidhi, “Guud ahaanba lacagta gashay doorashadii goleyaasha deegaanku waa lacag umada Somaliland ka baxday oo ka maqan, taasi oo dadkeena iyo suuqeedaba aad looga dareemayo faqri badan iyo dhibaato badana keentay, doorasho oo dhan ayaana arrintaa wadata, doorashooyinkii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay dhamaantood culays dhaqaale oo aad u wayn ayay dadka iyo dalkaba ku keeneen.”

SOMALILANDPOST.NET