Xukuumadda oo Qirtay in Somaliland tahay Waddanka ugu Koronto Qaalisan dunida

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay qirtay in Somaliland tahay waddanka ugu korontada Qaalisan dunida, iyadoo la ogyahay in JSL ka mid tahay dalalka ugu dhaqaale hooseeya Dunida Saddexaad.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Somaliland, Md Jaamac Maxmuud Cigaal, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay waddanka ugu qaalisan adeegga Korontada marka loo eego dunida inteeda kale.

Wasiirka oo ka hadlayey munaasibad lagu daah-furayey Mashruuc maalgelin loogu samaynayo shirkadaha ka shaqeeya Tamarta qorraxda si loo helo Tamar jaban, waxa uu sheegay in Korontada qaaliga ay sabab u tahay naaftada ay isticmaalaan mishiinnada korontada laga dhaliyo oo qaali ah.

“waynu ugu qaalisanahay dunida Korontada, waxaana sabab u ah inta badan Qaabka iyo walaxda laga dhaliyo oo ah waxa ugu qaalisan ee koronto laga dhaliyo, ma jirto waddan dunida maanta ku tiirsan naaftada inaga mooyaane,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Jaamac Maxmuud Cigaal waxa uu sidoo kale sheegay in korontada qaaliga ah ay dhinaca kale sabab u tahay qaabka dabka lagu qaybiyo magaalooyinka. “Naaftada caadiga ah ee aynu baabuurta ku shubano ayaa waddanka laga dhalliyaa Korontada taasi oo qiimo qaali ah ku timaada, waxa kale oo qayb weyn ka ah qaabka uu u dhisan yahay qaybinta dabku oo ah qaab aan habaysnayn ama aan ahayn qaabkii magaalo laydh loo gelin lahaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Hadalka Wasiirka ayaa noqonaya markii u horeysay ee masuul dowladeed oo ay shaqadiisa tahay maamulka korontada dalka uu qiro in Somaliland tahay waddanka ugu qaalisan Adeegga Korontada.

Somaliland ayaa kaalmaha hore kaga jirta waddamada ugu korontada qaalisan dunida inteeda kale iyadoo shirkadaha qaarkood ay bixiyaan adeegga Korontada Qorraxda laga dhaliyo.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net