Xukuumadda oo Mar kale iftiimisay Mawqifka ay ka Qaadatay Shirka London

Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa marka kale caddaysay mawqifkeeda ku wejehan shirka Bisha Shanaad ee Sannadkan Soomaalida loogu qabanayo magaalada London.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inaanay Somaliland ka qayb-gali doonin shirka Soomaliya loogu qabanyo magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiir Xirsi oo Arrimahaa ka hadlaya, waxa uu yidhi,  “Mawqifka Somaliland wuu cad yahay. Annagu shir Soomaaliya loo qabanayo tagi mayno waayo annaga Somaliland ayaa nala yidhaahdaa. Haddii Somaliland Iyo Soomaaliya la wada hadal siinayo oo si siman loo wada hadal siinayo, waanu ka wada hadalaynaa oo darafkayaga ayaan u hadlaynaa Somaliland, madax-banaanidayada iyo dadkayaga iyo dalkayaga.”

Wasiirka Madaxtooyada
Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay in aanu shirkaasi Somaliland wax shaqo ah ku lahayn, kana qeyb geli doonin, waxaanu yidhi, “Haddii ay tahay shir Soomaaliya loo qabanayo, sabab aanu u tagnaa ma jirto, Soomaaliya iyagaa Soomaaliya la yidhaahdaa oo marti qaadka loo sameeyay ee ha tagaan. Hadii sida la sheegayo uu Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayana dee sabab aanu u tagnaaba ma jirto.”

Wasiirka oo la weydiiyay waxa shirkani kaga duwan yahay kuwii hore ee ay ka qeyb galeen waxa uu yidhi, “Wuu ka duwanaa shirkii Dubai oo Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku wada hadlayay. Kii London umuurta dadka Soomaalida ah baa lagu xalilayay oo may ahayn wax gaar ah oo midnimada Soomaaliya loogu yeedhay oo dhaqaale loogu ururinayo oo hawshooda gaarka ah lagaga hadlayey. Maadaama oo aanu ahayn Dawlad madax banaan oo u diyaar ah inay mawqifkeeda beesha caalamka u caddayso waanu tagnay waxaana naloo casuumay annaga iyo dawladda Soomaaliya si siman xiligaasi,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa, “Haddii iyaga (Soomaaliya) loo qabtay shirkan ma xaasidayno, ma caayayno, mana maagayno, laakiin Annaga (Somaliland) wax na khuseeya ma aha.”

SOMALILANDPOST.NET