Xukuumadda oo ka hadashay Sababta Lacag la’aan loogu Bixin-waayey Daawooyinka Cusbbitaallada Dowliga ah

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inaanay wakhtigan suurto-gal ahayn in lacag la’aan lagu bixiyo Daawooyinka yaalla cusbitaallada dowladda ee dalka.

Cusbitaallada Dowladdu gacanta ku hayso ee dalka, ayaa marka laga yimaaddo adeegyada Caafimaad ee ay bixiyaan, Dadka bukaan-jiifka ama Bukaan-socodka waxa ay daawoyinka ka iibsadaan Dukaamo ku dhex-yaalla Cusbitaallada.

Haseyeeshee, Hadalka uu Agaasimuhu sheegay, ayaa ka dambeeyey kaddib markii xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo ka dayriyey xaaladda Cusbitaallada dowliga ah iyo adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan uu xukuumadda ugu baaqay inay si lacag la’aan ah ku bixiso daawooyinka yaalla cusbitaallada dowladda. Sidoo kale, waxa adeegyada Caafimaad ee cusbitaallada dowladda waxa ka deyriyey Golaha Guurtida ee Somaliland oo ka dayriyey Adeegyada Caafimaad ee Xukuumaddu u qabato bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo maanta kormeer ku samaynayey Xarunta Keydka Guud ee Daawooyinka Dowladda, ayaa sheegay inay dalka taallo daawo ku filan cusbitaallada dowliga ah.

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE