Xukuumadda oo ka hadashay Halka ay Marayso Dedaallada Waan-waan laga dhex wado Korneyl Caarre

Oodweyne (SLpost)- Wasiirka gaadiidka iyio horumarinta jidadka Somaliland Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) oo safar  ku marayey gobolada bari ayaa mar ay soo gaadheen magaalada Burco waxa ay warbaahintu wax ka weydiisay xaalada gobolka Sanaag oo safarkoodu daaranaa, waxaana ay sheegeen in wadahadal u socday Dableyda  Caare iyo madax dhaqameedkiisa, taasi oo nabad lagu doonayo in lagu gaadho khilaafka dawladda Somaliland iyo Dableyda Caare.

 

 

“Arintaasi waxa gacanta ku haya odayaasha dhaqanka oo u tagay markii shaqaaqadu dhacday, markaa hawl kastaa waxa ay ku dhamaanaysaa Caare waxa uu ka tirsan yahay waa nin Somalilander ah inaguna waxa aynu ku soo caano maalnay sodonkaasi sanadoodba wax kasta oo inaga hor yimaada inaynu is nabadgalyo ah ku dhamaysano xukuumadda goaankeedu waxa weeyi hawshaasi inay ku dhamaato si nabadgelyo ah markaa cid kasta oo dhankeena iyo dhankooda ka dhimanayaaba dadkeena weeyaan markaa masuuliyadduna waxa ay saaran tahay masuuliyinta iyo dadkaasi la doortay oo ILAAHEYna kala xisaabtamayaa markaa dawladdu waxa ay ku dedaalaysaa in hawshaasi boqolkiiba boqol ay ku dhamaato si nabadgelyo ah,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor.

 

Wasiirka oo ka jawaabayey suaal warbaahintu ka weydiisay biriishka Burco ayaa waxa uu kaga jawaabay “Biriishka Burco waa xaqiiq oo waxyeelo waxa gaadhsiiyey roobabkii waaweynaa waxa la sameeyey daraasadii iyo sidii wax looga qaban lahaa markaa waxa aanu rajaynaynaa todobaadyadan soo socda ay u iman doonaan Injineeradii markaa imika daraasadii waxaa la sameeyey iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaana la sii dayn doonaa kharashkii uu madaxweynuhu u ogolaaday markaa cidii wax ka qaban lahayd iyo Injineeradiiba waxbay ka qaban doonaan

 

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “midi waa arinka jabhada Caare ee aad weydiinayseen wasiirka oo anagu waxa aanu ka nimid Ceerigaabo oo wadahadal ayaa socda odeyaashii beesha uu ka soo jeedo Caare iyo isaga laftarkiisii ayaa wada fadhiya markaa wixii ka soo baxa ayeynu sugi doonaa oo aynu ku go’aan qaadanaynaa”.

 

Guddoomiyaha oo arinta biriishka Burco ka hadlayey waxa uu yidhi “arinta biriishka Burco ee xidhan lacagtii ku baxaysay waa la ogolaaday waxaanan filayaa ilaa labada todobaad ee soo socda in iyagana laga shaqayn doono”.

 

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabayey suaal warbaahintu ka weydiisay arinta bedelaada lacagta gobolka Sool oo wali laga sii isticmaalo lacagtii Somalia ayaa waxa uu kaga jawaabay “Arinka bedelaada lacagta “Arinta lacagta bedelaada lacagta hawl yar maaha waa laga bedeli karaa waananu ku talo jirnaana lacagta ku dhex socotaana ee kale marka la isku geeyo waa lacag yar oo 40 Kun oo Dollar maaha waxa ka dhex socdaana waa Mobile money oo dollar ah, lacag ka dhex shaqaysa oo kaash ahba waa ay yartahay markaa Insha Allah waanu ku talo jirnaa doorkii hore ee tagayna waanu soo darisnay”.