Xukuumadda oo ka hadashay Dilal ka dhacay Gobolka Buuhoodle

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta ee Somaliland, Md Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ka hadlay dil ka dhacay deegaanka Balli-Dandan oo 20 km dhinaca Bari kaga beegan Degmada Buuhoodle.

Waxa uu Wasiirku bulshada deegaanka ugu baaqay in fidnada halkaasi lagu qabto, oo aan dilkaasi dil ka danbeeya dhicin lagana wada shaqeeyo nabadgelyada iyo soo qabashada gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

Advertisement

Waxa kale oo uu wasiirku tacsi u diray ehelkii iyo Qaraabadii marxuumka la dilay ka geeriyooday, waxaanu marxuumka ALLE uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

“Waxaan halkan Tacsi uga diraya bulshaweynta magaalada Buuhoodle, dadweynaha magaalada Qurilugud, waxaan tacsi u dirayaa, beesha, jifada, ehelada, qoyska iyo qaraabada uu marxumku ka dhintay. Dilkaasi wuxuu ka dhacay meel 20 km u jirta magaalada Buuhoodle oo Dandan la yidhaahdo. Ninka halkaasi dilka loogu geystay xoolihiisiina waala dhacay, gacan ka horreysay oo nin lagu dhaawacay ninkalena lagu dilay waa ay jirtay, ninkalena waa uu ka horreeyay, fidnadiina hadda way ballaadhatay oo way korodhay bulshaduna meel ay joogtaba way ka hadashay, ninkaasi waa laga gardarnaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Qambi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “ILLAAHEY waxaan ka baryayaa fidnada halkaasi ka socota in uu joojiyo, fidnadu hadda way sii ballaadhatay oo waxa ay yeelatay dhibaato aad iyo aad u badan”.

Wasiir Qambi waxa uu baaq u diray bulshada reer Buuhoodle, waxaanu yidhi, “Bulshada reer Buuhoodle waxaan leeyahay waar fidno aan qof ku ekaanayn qofkii gaystay, kicintuna waa dhibaato adduun, kuwa ka shaqeeya, kuwa abaabula, kuwa raallida ka ah, in aan ixsaan iyo wanaag midna laga helayn waa la og yahay”.

“Dadka degaanka Buuhoodle ayuunba arrinka soo qabashada ninkaasi u yaalla odayada, duqayda, waxgaradka, culimada, inta wanaaga jecel, hawshaasina xalinteeda iyo wax ka qabashadeeda waxaa ku hawlan odayaasha, waxgaradka iyo culima aw diinka Buuhoodle,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On