Xukuumadda oo joojisay Ruqsadaha la siiyo Wershadaha Cusub ee noocoodu hore uga jiray Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad), ayaa sheegay inay xukuumaddu wax ka qaban doonto caqabadaha ku gadaaman warshaydleyda dalka isla markaana aanay ruqsad siin doonin warshadaha cusub ee noocoodu hore uga jireen dalka.

Wasiirka Warshaduhu waxa kale oo uu ka hadlay qabadaha waaweyn ee haysta warshadleyda dalka ku tilmaamay inay ka mid yihiin adeegyadda Korontada iyo biyaha oo aanay ka haqab la’yn.

Md. Abiib Diiriye Nuur waxa sidaas ka sheegay mar uu ka hadlayey kulan-hawleed laba maalmood socday oo lagu soo gabo-gabeeyey Hargeys, kaas oo lagu eegayay kobaca iyo wax soo saarka warshadleyda Somaliland iyo caqabadaha ku gadaaman.

Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda kulankaas, ayaa sheegay in muhiimadda kulanWaxaanu xusay in kulankan ay ka dhalanayso oo laga soo saari doono daraasad lagu waajahayo sidii meesha looga saari lahaa dhibaatooyinka mijo-xaabin kara inay warshadaha dalku tanaadaan.

abiibWasiirka Warshaduhu waxa uu ku dooday inaanay Wasaarad ahaan ruqsad siin doonin warshado cusub oo noocyadoodu hore dalka uga jireen si aanay isku xidhin, waxaanu taas ku sababeeyey taas in warshadaha isku midka ah ee dalka laga wada furay ay saamayn taban ku yeelatay wax-soo-saarkooda

Wasiirka Warshaduhu waxa uu iftiimiyay inuu jiro qorshe ay wada jir iskaga kaashanayaan wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland oo la xidhiidha in Ganacsiga loo kala saaro derajooyin kala duwan, iyada oo ganacsatada loo kala saarayo jumladle iyo tafaariiqle.

SOMALILANDPOST.NET