Xukuumadda oo Golaha Wakiillada u gudbisay Odoros-miisaaniyadeedka 2015-ka oo Dhan $251 Milyan

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale,  ayaa maanta hortagay golaha Wakiillada oo uu ka hor akhriyey Warbixin ku saabsan Odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo dhan 251 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.

Wasiirku waxa uu inay miisaaniyad-sannadka dambe ku jiraan Shaqaale cusub oo ay qaadanayaan haya’adaha Dawladda Qaarkood, kuwaas oo u badan ardayda dhammaysatay waxbarashada Jaamacadaha dalak. Wasiirku waxa uu sheegay inay Tirtireen Cashuuro dadka Wakhtigii Hore laga qaadi Jiray gaar ahaan kuwa Saamaynta ku leh Nolosha Bulshada .

HALKAN HOOSE KA DAAWO