Xukuumadda Oo Golaha Wakiillada Hor-keentay Heshiishka Ay La Gashay Shirkada DP World Iyo Jawigii Fadhiga

Hargeysa  (SL.Post) Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta Golaha Wakiillada hor-keentay heshiiskii ay dhawaan isticmaalka Dekeda Berbera la soo gashay shirkada DP World  (Dubai Port World).

 

 

 

Fadhigan oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), ayaa mudanayaasha u akhriyay heshiiska ay Xukuumaddu la gashay shirkada DP World, waxaana heshiiskaasi Golaha  hor-keenay guddida maalgalinta Dekada Berbera oo kala ah Wasiirka arrimaha dibada,  Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka qorsaynta , Wasiirka Maaliyada , Wasiirka Warfaafinta  iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Imaaradka Carabta.

 

 

 

Wasiirrada arrimaha dibada Sacad Cali Shirre iyo Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mudanayaasha uga warbixiyay nuxurka heshiiskan ay Xukuumaddu la gashay shirkada DP World, waxaanay Xildhibaanada ka dalbadeen inay anixiyaan heshiiskan, balse mudanayaal ka tirsan Golaha oo su’aalo Wasiiradaka weydiiyay heshiiskan ayaa ku dooday in khaladaad ku jiro heshiiskan.

 

 

 

Somalilabdpost. Hargeysa