Xukuumadda oo faahfaahisay Sababta Go’aan ay ku mamnuucday Maraakiib Ajaanib ah oo Ka Kalluumaysta Xeebaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday sababta ka dambaysa go’aan ay Xeebaha dalka ka mamnuucday Maraakiibta Ajaanibka ah ee ka Kalluumaysan jiray Xeebaha dalka. 

Wasiirka Wasaaradda Xannaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi oo maanta la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in go’aankaasi la xidhiidhi ay muwaadiniinta dalka ugu dhiirrin lahaayeen isla markaana xoogga loo saari lahaa Wax-soo-saarka hilinka Kalluunka, isticmaalka dalka gudihiisana kor loogu qaadi lahaa.

Xeebaha Somaliland waxa ka kalluumaysta Maraakiib Ajaanib ah oo isugu jira qaar Ogolaansho u haysta iyo qaar si sharci-darro ahba uga kalluumaysta.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE