Xukuumadda oo Digniin u Dirtay Qaybaha Siyaasadda ee Doorashada ka Qayb-galaya

Wasiirka Daakhiliga
Wasiirka Daakhiliga

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa u soo jeediyay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada ee ka qayb qaadanaya Tartanka ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanku inay dadweynaha ku hantaan barnaamijyo Waxqabad isla markaana ka digay wax kasta oo hanaanka tartanka Majare habaabin kara .

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay hanaanka doorashooyinka Xorta ah ee Somaliland ka hirgalay,waxaanu sheegay in doorashada deegaanku ay noqonayso tii labaad ee dalkan ka hirgasha waxaanu bulshada Somaliland ku adkeeyay inay Guntiga u xidhaan sidii ay doorashadaasi u noqon lahayd mid u dhacda si xor iyo Xalaal ah.

Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu Xusay in doorka Xukuumada kaga beegan hawl galkani uu yahay sidii ay u wanaajin lahayd Saaxada lagu tartamayo, waxaanu ku amray Maamulada Gobolada iyo degmooyinku sidii ay uga soo bixi lahaayeen wixii dhinacooda ku waajibay .

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu fariin u diray Xisbiyada iyo Ururada ka qayb qaadanaya doorashadan.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa